Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Maxamed Faarax (Mo Farah) oo galay buuga Taariikhda Orodada
H Farah
/ Categories: Sports News, Athletics

Maxamed Faarax (Mo Farah) oo galay buuga Taariikhda Orodada

Maxamed Faarax oo loo yaqaan (Mo Farah) ayaa gaaray guulo iyo heer aqoonsi hore hal qof keliyii u gaaray markuu Sabtidii la soo dhaafay ku guulaystay orodka 10,000m (Toban kun mitir), maanta oo jimco ahna uu ku labaystay orodkii 5,000m (shan kun mitir) Tartanka Horyaalka Ciyaaraha Fudud Dunida (World Athletic Championships) oo sanadkan lagu qabtay magaalada Mosko ee dalka Ruushka.

Maxamed waxaa u tashaday ciyaartoy u ordayey Kenya iyo Ethiopia oo marna aan filayn in uu guusha maanta qaato iyagoo isku dayey iney marka horena daaliyaan marka dambena ka cararaan. Ragga tartanka u soo xaytay inay Maxamed ka guuleystaan waxaa ka mid ahaa afar ciyaartoy oo Kenya u dhasha, Bernard Lagat wuxuu u ordayey dalka Maraykanka iyo afar Ethiopia u dhashay midkood Dejenee Regassa wuxuu u safnaa dalka Bahrain.

Waxaa bilawgii la damcay in Maxamed la daaliyo iado hogaanka laysu dhiibayo wuxuuse tusay inuu Maxamed leeyahay adkaysi uu kula soco xawaare kasta, markii sideed boqol dhinayd ayaa Maxamed wuxuu go'aansaday inuu kala reebo wuxuuna kululayey degdegtii lagu ordayey, si fudud ayaa loo kala baxay waxaana 15 tartame isku haray ilaa shan ka mid ah. Markii afar boqol oo mitir dhinayd ayuu Maxamed kar kale ku daray degdegtii orodka sidii looga bartay waxayna noqotay yaa isoo qaban kara? Ciyaartoyga Isiah Kiplangat Koech (Kenya) ayaa eryaday markii dhamaadka loo dhowaaday ayaa lugihii cuslaadeen, waxaana xawli ku dhaafay Hagos Gebrhiwet oo ku guuleystay kaalinta Labaad wuxuuna u dhashay Ethiopia.

12kii bilood ee la soo dhaafay waxay ahayd waqti aad ugu wanaagsan orodada dhadheer ee dalkan Ingiriiska waxaana Maxamed Faarax uu noqday ninkii labaad ee ku guulaysta orodada 10,000m iyo 5,000m labada tartan ee Olombiga iyo Horyaaalka dunida. Waxaa keliya oo heerkan hore u gaaray Orodyahankii Caanka baxay Kenenisa Bekele oo u dhashay dalka Ethiopia kuna guulaystay orod kasta sida Maxamed Faarax.

Markii la weydiiyey siduu ku gaaray guusha wuxuu ku jawaabay hawl badan, tababar xoog leh oo saacado badan qaatay, iyo kalsooni inuu gaari karo heerkan.

Ugu dambayn wuxuu u mahad celiyey dhamaan intii saaciday wuxuuna magacaabay macalinkiisa Alberto Salazar oo ahaan jirey ciyaartoy orodada dhaadheer una dhashay dalka Maraykanka. Wuxuu u mahad celiyey Reerkiisa, macalinkii ku dhiiri geliyey orodka iyo taageerayaashiisa oo dhan.

Bernand Foster oo ku guuleystay bilad ciyaarihii 1976 ayaa wuxuu ku sheegay in Maxamed Faarax yahay ciyaartoyga ugu fiicnaa ebid orodyahanada dalka Ingiriiska. waxaana loo qoray sidan''BBC Sport commentator Brendan Foster called Farah the greatest British athlete of all time.''

Maxamed Faarax wuxuu mar kale ka markhaati yahay in dhalinta Soomaaliyeed leedahay hibada orodyahanimo, ayna u baahanyihiin tababar iyo hawl.

W/Q: Xasan M. Faarax (Macalin John)


Previous Article Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya
Next Article Mo Farah oo noqday orad yahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara abad dalka Britain
Print
10096 Rate this article:
3.0
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top