Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga oo booqasho ku yimid London
M Sheikh
/ Categories: Sports News

Macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga oo booqasho ku yimid London

Waxaa galabtii Sabti-da bisha August ahayd Seddexda, ku kulmay Bridge Park Community Leisure Centre oo ku taal galbeedka magaaladda London qaar ka mid ah bahdii hore ee kubadda kolayga oo uu soo booqday macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Cumar C/qaadir Baarajab.

Maadaama lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayayna suurto gal u noqon bahda badankeeda in uu la kulmo macalinka xulka qaranka oo aynan is arkin siduu uga soo laabtay tartankii wiilasha kubadda kolayga Zone-ka 5aad bilowgii sanadkan ee ka dhacay magaalada Dar Es Salaam dalka Tanzania.

Balanta kulanka waxay ahayd in ay iskugu yimaadaan bahdu, garoonka Stonebridge si ay ugu jimicsadaan, taas oo uu macalinku la qaybsaday cayaar aad u xiiso badnayd oo seddex iyo seddax ah, oo laysku sheegtay fudeed, dhalinyaronimo iyo waayo aragnimo.

Macalinka oo deegaankiisu yahay dalka United Arab Emarat oo uu labaatankii sano ee lasoo dhaafay ku noolaa, ayaa u qiray bahda kubadda kolayga ku dhaqan London in ay deggen yihiin magaalo aad u fiican waayo ma jirto ayuu yiri magaalo intaan oo ciyaartooy ay deggan yihiin oo sabti kasta kulmo wada cayaarana kubadda kolayga, wuxuu sheegay ciyaartu in ay qayb ka qaadato caafimaadka qofka bini Aadamka ah.

Cayaarta kadib ayaa waxaa laysku raacay maqaayad ku tiil Church road ee xaafada Willesden, taas oo laysku dhaafsaday warbixino sida macalin Shiino Guhaad oo ku furay hadalka aqbaarta safarkii dhawaanta uu ku tagay dalka Canada oo isna aysan is arkin inta badan asxaabta.

Kadibna waxaa hadalkii la wareegay macalin Baarajab, oo ka hadlay aqbaarta safarkii Tanzania iyo dhibkii laga maray asagoo sheegay in ay ku baxday lacag aad u tiro badan oo laga soo aruuriyay ganacsatada Soomaaliyeed iyo shaqsiyaad jecel horumarka kubadda kolayga. Ma jirto ayuu yiri wasaarad ama xiriir hada dhaqaalo haysato oo baahi tiri karta ka qayb galka tartamada caalamiga ah.

Wuxuu sheegay kulankani in uu yahay fursad uu uga faa’iidaysanayo si uu ugu mahad celiyo bahda kubadda kolayga reer London qaybtii lixaadka lahayd ay ka qaateen taageerada hiil iyo hoobada lahayd ay la garab istaageen Qarankooda.

Iyadoo wada hadalku dhamaan ayaa waxaa la aadaamay salaadii Maqribka waxaana loo kala yaacay Masaajidka laguna balamay in inta dhiman layskugu soo noqdo bacdal salaat.

Qorshuhu wuxuu ahaa salaada ka bacdi in la aado maqaayada lagu magacaabo Woody Grill ee ku tiil xaafadda Willesden Green. Halkaas oo uu macalin Baarajab ka sii watay hadalkiisii asagoo ku dheeraaday sida mustaqbalka kor loogu sii qaadi lahaa horumarkii laga gaaray tartankii Tanzania.

Wuxuu yiri waxaa Illaah mahadii ah, tartankii kadib in la helay cayaar yahano ka badan kuwii hore oo tayo wanaagsan leh. Wuxuu yiri mustaqbalka aad ayuu u fiican yahay. Waxaase nalooga baahan yahay in aan galno diyaar garoow aad u sareeyo.

Cumar wuxuu kaloo sheegay in maamulka cusub ee xiriirka kubadda kolayga dhawaanta lagu dhawaaqay uu yahay mid lagu farxo. Waayo xubnaha badankoodu waa kuwo ka soo jeedo bahdii kubadda kolayga haday noqon lahayd xagga garsoorka, macalimiinta ama cayaartooydii hore midba. Waxaana looga fadhiyaa dadaal iyo isbedel dheeri ah.

Goobta oo ahayd mid ay ka muuqato farxad iyo is marxabayn ayaa waxaa lagu ducaystay in dalkii hooyo nabad Allaha ka ansixiyo, ummadda Soomaaliyeedna noqdaan kuwo nabad ku ciida. Intaa kadib wuxuu u mahad celiyay kasoo qayb galayaasha isku imaatinka oo badankooda waqtigooda qaaliga ah u soo huray in ay asaga la kulmaan.

W/Q: Mohamed Sheikh Abdi (weli)


Previous Article Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London
Next Article Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun
Print
5707 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top