Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

TAARIIKH NOLOLEEDKII ABUUKAR ABANUUR MAXAMED
M Sheikh

TAARIIKH NOLOLEEDKII ABUUKAR ABANUUR MAXAMED

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaan maanta bogeena taariikhda Halgamayaashii hore ee Isboortiga Soomaaliyeed ku soo qaadan doonaa, mid ka mid ahaa kuwii waqtigooda u soo huray dadaalka maamulkii Isboortiga Soomaaliyeed ahaana rug cadaa in mudo ah u kala dhex gooshayay maamulka xiriirada kala duwan ee cayaaraha dalka Soomaaliya, kaas oo lagu magacaabo Mr. Abuukar Abanuur Maxamed.

Mudane Abuukar Abanuur, wuxuu ku dhashay magaalada Muqdisho, taariikhdu markey ahayd 04/04/1958, wuxuuna ku barbaary degmada Shingaani oo ka tirsan gobolka Banaadir.

Yaraantiisii wuxuu dugsiga Qur’aanka ku soo dhameystay dugsi ku yaalay degmeda Boondheere, sidoo kale wuxuu dugsiga Hoose kaga baxay dugsigii la oran jiray (Madrasat Alnajaax) oo ku yaalay degmada Shangaani, oo ay maamuli jirtay dowlada Masaarida.

Dugsiga dhexe wuxuu dhameeyey sannadii 1975-tii, kii sarena sannaddugsiyeedkii 1978/79 wuxxu ku soo dhameystey waxbarashada dugsiga dhexe iyo sareba dugsigii la oran jiray (ALLAHI) ee Jamaal Cabdinaasir, ka dibna waxbarasho taqasus dhinaca maamuka isboortiga (Sport General) ku soo qaatay dalalka Shiinaha, Imaaraadka carabta , Masar iyo dalal kale oo caalamka ka mid ah.

Waxaa kaloo intaasi u dheer isgoo ah qof waaya’aragnimo u leh majaalka maamulka Isboortiga, kana soo shaqeeyey muddo dheer. Sidoo kale Mr.Abuukar Abanuur Maxamed waa nin ku hadla luqadaha Somaliga, Carabiga, Ingariiska, Talyaaniga iyo afka Hollandeeska, waanna xaasle, leh (6) caruur ah Allaha u daayee.

Waxaa kaloo Mr.Abuukar Abanuur Maxamed,uu ahaan jiray dagaalka sokeeye ka hor, nin ganacsade ah, wuxuuna iska lahaan jiray dukaankii duubista iyo kireynta ee la oran jiray HTIM VIEDO CENTER, oo ku yaalay degamada Shingaanii , ayadoo intaa u dheereyd ganacsiga dhoofinta iyo soodejinta.

Nasiib wanaag, dhowr iyo toban sano kadib, waxaan ku kulanay Mr.Abuukar Abanuur, Shir sanadeedkii ururka kubadda kolayga SSIFO (Somali Sports & International Friendship Organisation) oo lagu qabtay 11 – 19 August 2008 magaalada London. Waxaana ii suurto gashay in aan wax ka waydiiyo halgankiisii.

Wuxuu ii sheegay “in awalan, Sanadii 1975/76-dii uu ka qeybgalay tababarkii ugu horeeyay ee garsoorenimo K.Kolayga ah, oo ay soo qabanqaabiyeen X.S.K. Kolayga, ka dibna ka midnoqday garsoorayaasha (Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Kolayga)

2) 1977-dii wuxuu ka qeybgalay tababar garsoorenimo Cayaaraha Fudud, oo ay soo qabanqaabiyeen X.S.C. Fudud, ka dibna ka mid noqday garsoorayaasha ( xirrika Soomaaliya ee ciyaaraha fudud)

3) Bishii Nofember 1977-dii oo ay Soomaaliya martigelisay tartankii Cayaaraha Fudud ee Bariga /bartamaha Afrika (wiilal & gabdho), wuxuu ka ahaa guddoomiyaha garsoorayaashii tartankasii dhexdhexaadinayey.

4) 1978-dii, horaantiisa wuxuu ka qeybgalay tababar garsoore nimo ee Kubadda Miiska, oo uu qabanqaabiyey X.S.K.Miiska, ka dibna ka mid noqday garsooreyaashi (xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Miiska).

5) Bishii Lulyo 1978-dii, waxaa loo doortay garsoore caalami ah, ee Cayaaraha Fudud, oo hogaaminayay wafdigii Isboortiga Soomaaliyeed ee uga qeygalay tartankii (3rd ALL AFRICAN GAMES), oo lagu qabtay dalka Algeria.

6) Bishii Dicember 1978-dii, waxaa loo magacaabay Kaaliyaha Guud ee X.S.K.Miiska.

7) Bishii Maarso 1979-kii, waxaa loo magacaabay Xoghayaha Guud ee X.S.K.Miiska.

8) Bishii Juun 1979-kii, waxaa loo magacaabay madaxa wafdiga xulka Qaranka Kubadda Miiska oo tababar muddo (2) bilood ah u tagay dalka Shiinaha, kuwaasoo loo soo diyaarinayey tartankii 8-aad ee Ardada Dugsiyada Carabta, oo Soomaaliya martigelisay , laguna qabtay magalaada muqdisho, waxaa kaloo muddadaasi aan dalka Shiinaha ku soo qaatay waxbarasho gaaban ee maamulka dhinaca isboortiga guud (general sport)

9) Bishii Agoosto 1979-kii Xiligii ay Soomaalida martegelinaysay tartankii 8-aad ee Ardada Dugsiyada Carabta. wuxuu ka ahaa Xoghayaha Gudiga Farsamada ee ciyaartii K. Miiska ee tartankaasi (wiilal iyo gabdho) Tartankaas oo gabdhaha Soomaaliyeed ka muujiyeen wacdaro, halkaasna ku aruursaday guud ahaan biladihii lagu tartamayay.

10) Bishii April 1981-kii waxaa loo magacaabay madaxda wafdiga xulka qaranka K. Miiska Soomaaliyeed ee Gabdhaha oo ka qayb galay, tartankii 36-aad ee K. Miiska Adduunka oo lagu qabtay magaalada Novisad ee dalka Yougoslavia.

11) Bishii Juun 1981-kii waxaa loo magacaabay madaxda wafdiga xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Gabdhaha oo ka qayb galay Tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee K. Miiska ee lagu qabtay magaalada Alxandria ee dalka Masar.

12) Sanadii1982-dii wuxuu ka mid noqday gudiga sare ee ka soo shaqeeyay Shirwaynihii Golaha Wasiirada Dhalinyarada iyo Isboortiga Carabta, oo ay marti gelisay Soomaaliya, laguna qabtay magaalada Muqdisho.

13) Bishii Marso 1986-dii waxaa loo magacaabay Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee xiriirka Soomaaliyeed ee cayaarahja Fudud.

14) Bishii Agoosto 1987 waxaa loo magacaabay Maamulaha kooxda xulka Qaranka Soomaaliyeed ee cayaaraha Fudud (wiilasha) oo ka qayb galay tartankii (4th All African Games), oo lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

15) Bishii Jun 1989-kii waxaa loo magacaabay Madaxa wafdiga xulka Qaranka Soomaaliyeed ee cayaaraha Fudud (wiilal iyo Gabdho) oo ka qayb galay Tartankii cayaaraha fudud oo furan ee caalami ah, oo lagu qabtay magaalooyinka Delhi iyo Kalkata ee dalka India.

16) Dhamaatkii sanadkii 1989-kii waxaa loo magacaabay Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Cayaaraha Fudud isla markaana xubin ka ah Guddiga fulinta ee G.O.S. isla markaana loo doortay in uu qabto xilka u qaybsanaha arrimaha tababarada ee guddiga fulinta G.O.S

17) Bishii November 1989-kii wuxuu ka soo qeybgaley shirweynihii guddoomiyayaasha xiriirka Cayaaraha fudud ee Bariga & Bartamaha Afrika oo lagu qabtey magaalada Jinja ee dalka Ugaandha.

18) Bishii Juun 1991kii wuxuu ka qeyb galay shirwaynihii guddoomiyayaasha xiriirka C- fudud ee dalka Carabta oo lagu qabtay magaalada Qahira ee dalka Masar.

19) Bishii July 1999-kii wuxuu ka qayb galay tartankii 3aad ee Cayaaraha Fudud ee Adduunka, kaasoo uu barbar socdey shirweynihii guud ee xiriirka Cayaaraha Fudud ee Adduunka IAAF, oo lagu qabtey magaalada Tokyo ee dalka Japan.

20) Bishii July 1993-dii wuxuu ka qayb galay tartankii 4aad ee C- fudud ee Adduunka, halkaasoo Oradyahankii Cabdi Bile Cabdi, oo orodka 1500m, magaca Soomaaliya ku ordayey isla markaasna ku guuleystey kaalinta 3aad, asagoo halkaas lagu gudoonsiiyey billada MAARTA. Kaasoo barbar socdey shirweynihii guud ee xiriirka C-fudud ee Addunnka IAAF, kaasoo lagu qabtey magaalada Stutgart ee dalka Jarmalka.

21) Bishii Agusto 11 – 19-keedii 2008, wuxuu ka mid ahaa maamulkii lagu dhisay London ee SSIFO hoggaanka maamulka Ururka SSIFO ( Somali Sports & International Friendship Organisation) Kaas oo kulankii sanadkaan ay ka soo qayb galeen dhamaan xubnahii kale ee ururka oo ka kala yimid Maraykanka, Canada, Qatar, UAE iyo wadamo badan oo ka tirsan Europe. Mr.Abuukar Abanuur, waxaa loo doortay Wakiilka SSIFO ee Europe.

22) Bishii Agusto 1991-kii wuxuu ka qayb galay tartankii dhamaadka ee Granbriska ee C-fudud ee Adduunka oo sannadkasta xiriirka C-fudud ee Adduunka IAAF qabato, kaasoo lagu qabtey magaalada London ee cariga Ingiriiska (ENGLAND).

Xiligii ay bilaawdeen dagaaladii sukeeye ee dalkeena, Mr.Abuukar Abanuur, wuxuu asaga & reerkiisiiba u soo qaxeen Yurub, waxayna 1994-tii soo caga dhigteen dalka Holland, halkaas oo ilaa iyo maanta uu ku nool yahay.

Waxaa soo diyaariyay:
Mohamed Sheikh Cabdi (weli)


Previous Article WARAYSI AAN LA YEELANAY LAACIB JOORJE
Next Article SOMALI FOOTBALL HISTORY
Print
8907 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top