Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Mo Farah oo noqday orad yahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara abad dalka Britain
M Sheikh
/ Categories: Sports News, Athletics

Mo Farah oo noqday orad yahankii ugu wanaagsanaa ee soo mara abad dalka Britain

Orad yahanka caanka ah ee Maxamed Faarax oo marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeero Mo Farah, ayaa noqday ninka labaad ee adduunka ku guulaysto laba mar oo isku xigto tartamada orodka Olymbikada iyo tartankii cayaaraha fudud ee aduunka (World Athletics) oradka xawaaraha shanta kun ee miter (5,000m) kaas oo hantay bilada dahabka ah shalayto oo bishu ahayd 16/08/2013 tartankaas oo ka dhacayay caasimada dalka Russia ee Moscow.

Tartankan ayaa ahaa tartan ay mar walba ku looltamaan halyeeyada cayaaraha fudud ee aduunka oo ay soo qaban qaabiso haya’da (iaaf world championships in athletics) kaas oo sanadkan ka dhacayay magaalada moscow ee dalka Russia 10 - 18 august 2013.

Oradkan ayaa ahaa kii labaad ee uu ku guulaysto Mo Farah, mudo labo asbuuc gudaheed ah kaas oo uu horay u hantay oradka xawaaraha tobanka kun ee miter (10,000m) sabtidii la soo dhaafay oo ay bishu ahayd 10/08/2013.

Oradadan ayaa waxaa caan ku ahaan jiray dalalka Kenya iyo Ethiopia, balse sanadihii la soo dhaafay waxaa dhexda u xirtaty inuu ka dhacsado biladaha dahabka ah wiilkan dada yare e 30 jirka ah oo dhalashadiisu ka soo jeedo dalka Somaliya balse hada u ordo dalka Great Britain oo deegaan u ah, haystana dhalshadooda.

Waxaa shalayto looltan kala dhexeeyay orad yahano badan ha ugu darnaadee orad yahanka reer Kenya ee Isiah Kiplangat Koech oo hogaaminayay ilaamaa laga gaaro afartankii meter ee ugu danbeeyay oo uu xowli ku dhaafay kuna gudbay xariijintii 13 minutes iyo 26.99 seconds.

“Ma filaynin in aan ebad aan gaari karo heerka aan maanta tiigsaday” ayuu yiri Mo Farah. “Oradkan wuxuu ahaa mid iiga adkaa kii cayaarihii sanadkii hore lagu qabtay magaalada London ee Olympic 2012. Balse tabaabusho iyo dadaal dheeri ah aan u galay sidii aan uga miro keeni lahaa ayaa ii suurto gelisay in aan maanta ku guulaysto biladan dahabka ah.

Waxaan xakameeyay naftayda goostayna in aado meel ka fog meesha ay ku nool yihiin xaaskayga iyo gabdhaha aan dhalay si aan tababar xoogan u qaato. Waxaan filayaa in ay maanta dareemi karaan reerkayga go’aankaas aan qaatay miraha guusha ay dhashay.”

“Waxaan aad ugu faraxsanahay in aan ku ordo anoo metelaya magaca iyo calanka dalka Britain. Waxaana u mahad celinayaa dhamaan intii I siisay taageerada hiil iyo hooba meel kasta ha joogeene”

Heerka uu maanta gaaray Mo Farah, waxaa uga horeeyay oo kal hore sameeyay sidan oo kale orad yahanka reer Ethiopia Kenenisa Bekele, oo hada ka hor ku sameeyay cayaarihii Beijing Olympics ee 2008 sanad kadibna ku daray cayaarihii tartanka Oradada adduunka ee lagu qabtay dalka Jarmalka magaaladiisa Berlin.

Balse tani waxay Mo Farah, ka gelinaysaa baalka taariikhda cayaaraha fudud ee adduunka in uu noqdo ninkii labaad ee ku guulaysta laba tartan oo isku xigta oradada shanta kun ee miter (5,000m) iyo (10,000m).

Tan kale wuxuu magaciisa ka kor maray laacibiintii cayaaraha fudud ee u soo halgamay dalka Great Britain, sida laacibkii boodada hoose ee seddax layda (triple jumper) Jonathan Edwards iyo Daley Thompson oo isna tiro seddex mar ah ku guulaystay tartamo kala duwan.

Anoo ku hadlaya magaca dhamaan ummadda Soomaaliyeed iyo kan maamulka website-ka kubadda.com waxaan jeclahay in aan halkan uga mahad celiyo Mo Farah, anagoo la qaybsanayno farxadda, guusha uu ka gaaray tartankan. Ma ahan mid iska timid (by chance) waa mid uu u soo maray halgan iyo dadaal dheeri ah, waxaana qabaa in qofkii dadaalo uu gaari karo anoo la dar daarmaya da’yarta Soomaaliyeed. Hadalkayga waxaan ku soo gunaanadayaa halku dhigii ahaa “dadaalaa wuu gaaraa”

W/Q: Mohamed Sh Abdi (weli)


Previous Article Maxamed Faarax (Mo Farah) oo galay buuga Taariikhda Orodada
Next Article Isboortiga iyo Kaalintiisa Horumarinta Dalka Soomaaliya (2)
Print
9102 Rate this article:
5.0
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top