Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

WARAYSIGA XIDDIGAHA
M Sheikh

WARAYSIGA XIDDIGAHA

Bogga baadi goobka Taariikhda xidigaha waxaan maanta ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah legends-ka ama laacibiintii magaca wayn ku lahayd cayaarta kubadda kolayga kaas oo magaciisu yahay Axmed Muuse Huseyn oo u cayaari jiray naadigii kooxda kubadda kolayga Batroolka iyo Qarankii Soomaaliyeed. Axmed Muuse waxaan ku tilmaami karaa in uu ka mid ahaa ciyaartooyda fara kutiriska ahayd ee magaca wayn ku yeeshay taariikhda cayaarta kubadda kolayga Soomaaliyeed.

Axmed Muuse wuxuu hada ku nool yahay magaaladda Troisdorf ee dalka Germany . Waa xaas, siiba family Sports ah, waxay wada nool yihiin gabar iyadana kubadda kolayga u cayaari jirtay kooxihii LL PP (Jeenyo) iyoWarshada Sigaarka & Taraqa, oo la yiraahdo Xaawo Maxamuud Cabdulle balse lagu naanayso (xaawo kiin). Waxaa Eebe siiyay todobo caruur ah Illaah ha u daystee.

Axmed Muuse waxaa kaloo la dhashay wiilal ayagana kooxo kale u cayaari jiray kubadda kolayga sida Xasan Muuse oo u cayaari jiray kooxdii Warshada Sigaarka iyo Taraqa iyo Yuusuf Muuse oo isna u cayaari jiray kooxdii Minishiibiyo.

Axmed Muuse wuxuu ku dhashay degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadrir

30kii August 1958-dii, balse markuu gaaray 10 jir, waxaa reerkiisii u soo guureen degmadda H/wadaag oo uu ku soo barbaaray kuna noolaa ilaa uu dalka ka soo tago sanadkii 1985.

Axmed Muuse, waxbarashada dugsiga quraanka wuxuu ku dhameeyay xaafadda Howlwadaag, waxbarashada aasaasiga ahna dugsiga hoose dhagaxtuur kii dhexe iyo sarena H/wadaag 1980/81.

Hadaba Axmed Muuse si aan waraysigaan uga qaadno codsi aan ka codsanay daraadii ayuu nagu soo booqday dalka Ingriiska waana uga mahad celinaynaa. Waraysigiisiina wuxuu u dhacay sida tan:

Axmed Muuse, marka hore soo dhawoow, waadna ku mahadsan tahay, safarka dheer aad noo soo gashay. Hadaan su'aashayda ku biloowdo: goorma, ayaad billowday ciyaaraha? Yaase kugu dhiirrigaliyay?

Ahmed Muse: Intaanan guda galin Jawaabta suaashaada, waxaan rabaa in aan idinkaaga mahad celiyo gogosha soo dhawaynta leh ee aad ii fidiseen, hadaad tihiin bahda kubadda.com iyo sida daacada ah ee aad isugu ixtiraamteen in aad u adeegtaan kobcinta Isboortiga dalkiina hooyo. Waxaana hubaa in aad baaldahab ah kaga jirtaan magaca Qaranka Soomaaliyeed, taariikhda ayaana idin xusi doonto mar uun.

Hadaan u soo laabto Jawaabta su'aashaadii, waxaan bilaabay cayaaraha

1972, oo aan ku bilaabay xaafadda H/wadaag, waxaana igu dhiiri geliyay dhowr qofood oo aan runtii kala dhicin sida C/qaadir Ahmed Guuleed (John), C/salaam Muuse Galaal, Ilkacase iyo Santuur oo dhamaantood ahaa cayaar yahanadii ka soo baxay xaafadda Howlwadaag.

Heer noocee ah ayaad ku billowday ciyaaraha? Mase jireen noocyo kale oo ciyaareed oo ka duwan kubbadda kolayga oo aad ka qayb-qaadatay?

Ahmed Muse: 1976 ayaan la koowsaday iyadoo la aasaasayo koox seria B ah oo aan ka mid noqday kooxdii lagu aas aasay Batroolka. Waxaana koob loo dhigay lix kooxood oo seria B ah, isla sanadkaasna anagaa qaadnay koobkii. Kooxahaas oo aan jeclahay in ay kala ahaayeen kooxdeenii Batroolka, Sigaarka & Taraqa, Boostada, Sahan, Caafimaadka iyo Cadceed. Taasoo noo suurto gelisay in aan u soo gudubno heerka 1aad ama Seria A-da.

Ma ka qayb-gashay tartammadii ciyaaraha degmooyinka ama gobollada? oo aan oran karo qaasatan kuwa gobollada waxay ahaayeen kuwo ka xammaasad badnaa tartammadii ciyaaraha heerka 1aad. Sanadkeese u ciyaartay?

Ahmed Muse: Nasiib wanaag maadaama si toos ah laygugu qaatay seria B horayna aan ugu gudubnay Seria A, iima suurto gelin in aan Degmo ama Gobol midba ciyaaro.

Wax ma iiga sheegi kartaa waxyaabihii xusuusta gaarka ah kugu reebay intii aad ku dhex jirtay cayaaraha guud ahaanba?

Ahmed Muse: Arintii iigu qosolka badnayd waxay ahayd waxaa jirtay cayaar aan la cayaaraynay kooxda Horseed oo aan habeen cayaar aan kala badin la'een ayaan daqaiiqadihii danbe kubaddeenii ula baxnay banaanka dhinaca binjigii kooxda Horseed, maadaama aan daalnaa ayaan tarmuuskii biyihii kooxda Horseed oo meeshii aan kubada kala baxaayay yiilay aan damcay in aan cabo, taas oo aan caado u ahayn kooxihii xiligaas oo ay koox kasta biyaheeda waqtiga nasashada cabi jirtay.

Markaan galaaskii biyihii kor u qaaday ayaa waxaa igu soo cararay macalinkii kooxda Horseed oo damcay in uu ii diido balse aan boobsiis ku cabay biyihii, markuu ii soo dhawaaday ayaa waxaa ku qayliyay shacab waynihii macalinkii Horseed oo ku qosleen. Markii aan kubadii baastay ayaa waxaa Dunking saladii kubadda gacanta la geliyay Bashiir Fox oo aan isku koox aheen, kooxdii Horseed ayaa kubadii soo qaadatay waxaa baloogay Qardaas oo hadana anagii ayaa dhaliyay kadibna dhowr dhibcood ayaan uga badinay. Runtiina wixii maalintaas ka danbeeyay ma iloobo arinkaas.

Muddadii aad u safanayd Kooxdaada, Wax guulo ah oo aad gaarteen ma jireen?

Ahmed Muse: Haa waa jireen, waxaana xasuustaa in aan laba sano oo isku xigto aan kala qaadnay labadda koob ee dalka la dheeli jiray ee ahaa Horiyaal iyo Janaraal Daa'uudba.

Goorma ayaad ku biirtay ciyaaryahannada heerka qaran ee kubbadda kolayga?

Ahmed Muse: Waxaan ku biiray sanadkii 1977-dii kuna jiray ilaa aan cayaaraha ka fariistay sanadii 1982 dhaawac iga soo gaaray jilibka biddix aawgiis.

Intii aad cayaaraha Qaranka cayaaraysay kooxahii aad la ciyaartay ciyaaraha caalamiga ah wax ma ka xusi kartaa?

Ahmed Muse: Runtii kooxuhu waa badnaayeen, waxayna kala ahaayeen koobab kala duwan sida kuwa saaxibtimo, kuwii All African gameska ahaa oo mar xataa Soomaaliya lagu qabtay iyo kuwii Jaamacadaha Carabta oo aan xataa anaga ku guulaysanay. Iyo mid ardayda Jaamacada carabta Qarankooda ay isku arki jireen.

Hadaan hal hal u kala qaado waxaan xasuustaa sida dalka Chinaha oo aan u aadnay cayaar saaxibtinimo sanadii 1977 oo ahayd cayaartii Qaran ee iigu horaysay.

Cayaarihii 1979 cayaar aan u tagnay dalka Saudiga iyo Dalka Marocco.

Cayaarihii Jaamacada Carabta oo lagu qabtay dalka Soomaaliya sanadii 1979-kii oo aan koobkii sanadkaas aan anagu qaadnay cayaartii Finalkana aan la cayaarnay kooxdii dalkii Ciraaq waxaana macalimiin noo kala ahaay Anderiano iyo macalinkii Maraykanka ahaa ee Arthur Duran.

Tartankii dowladaha Africanka (all African Games-ka) oo aan la cayaarnay sida Angoola, Ivericost, Sinigaal iyo Liibiya oo aan sanadkaas galnay kaalinta saddexaad

Ma xusuusan kartaa guuldarradii Kuugu xumayd ee ku soo martay intii aad ku dhex jirtay ciyaaraha kubbadda kolayga?

Ahmed Muse: Waxaa jirtay cayaarta aan ku tagnay dalka Sacuudiga oo aan kor ku soo sheegnay (1st Youth Basketball Tournament) oo aan rajaynaynay in aan kaalin fiican ku soo baxno. Balse cayaartii aan ku soo baxi lahayn ayaan la dheelnay kooxda dalka Ciraaq oo badis iyo badis la'aan soo baxaysay, balse hadaan ayaga ka badino aan anaga soo baxaynay oo ay hari lahaayeen kooxda Urdun oo aan isku dhibco ahayn.

Waxaa dhacday in nasiibxumo uu siiriwale noo noqdo nin u dhashay dalka Urdun. Kaas oo cayaarteenii qalalaaso dhex geliyay kadib mar uu qaladaad aanan gelin madaxa noo wada saaray, kadibna cayaar yahanadeenii arinkii ka xanaaqeen dhalisayna in halkaas buuq xun ka dhaco cayaartiina four faith nalooga qaaday dhibcihii. Waxyaabihii habeenkaa dhacay oo aan ahayn wax fiican, ayaa waxaa ka mid ahaa iyadoo xataa macalinkii na watay ee Arthur Duran, ee maraykanka ahaa uu damcay in uu na dajiyo asagoo rabay in uu na fadhiisiyo kuraasteenii balse xanaaqii daraadii uu riixay cayaartooy naga mid ahaa kadibna uu taraanturooday balse sawir qaadayaashii ay ka faaiidaysteen ayagoo maalintii xigtay jaraa'idada lagu soo qoray kooxda Soomaaliya oo xanaaq daraadii macalinkoodii u dilay.

Farxaddii kuugu waynayd maxay ahayd intaad ku dhex jirtay ciyaaraha kubbadda kolayga?

Ahmed Muse: Inkastoo ay badnaayeen hadana waxaan ka soo dhax xulan karaa markii aan ku guulaysanay koobkii Jaamacadaha Carabta ee dalkeena lagu qabtay. Oo ay farxadaas nala wadaagayeen shacab waynaha dalkeenii hooyo oo xataa calankii si qiiro leh looga dhex taagay garoonka dhexdiisa calamadii wadamada kale.

Ciyaaryahannadee ugu jeclayd inay garbahaaga buuxiyaan markaad u ciyaaraysay kooxdaada iyo xulka qarankaba?

Ahmed Muse: Runtii cayaaryahanada in kasta oo ayna kala dhicin hadana waxaan aad isku fahmi jirnay Qaran iyo kooxba. Kooxda: Kalajaban oo aad ii farxad gelin jiray waayo shacab waynaha oo markasta jeclaa xarakaadkiisa ama action-ada uu bixin jiray noona soo jiidi jiray shabciyad tiro badan, Eedem Abdi Maxamed (Qardhaas) iyo Bashiir Yuusuf (Bashiir Fox). Qarankana Nuurudiin Ali Saciid, Afwayne, Eedem Abdi Qardhaas iyo Bashiir Fox.

Ma jireen Guulo Gaar ahaaneed oo aad ciyaaraha ka gaartay?

Ahmed Muse: Inkastoo bilado qaas ah aysan jirin xiligaas hadana waxaan ku looltami jirnay gool la gelinta (slam dunk) oo aan inta badan aan qaadi jiray oo uu tartankaas soo alifay macalinkii Tobiyoos ee maraykanka ahaa.

Ma jireen kooxo dibadda ah oo aad u ciyaartay?

Ahmed Muse: Ma jirin koox dibada ah oo aan u dheelay. Balse waxaan koox ahaan ii soo doontay in aan u matelo magacooda kooxdii Xooga Dalka Soomaaliyeed ee Horseed oo aan u raacay cayaaro Militery World Championship oo aan u aadnay dalka Sacuudiga.

Ma jireen Tababaro macalin nimo, aad qaadatay shahaado? Sanadkee inteese?

Ahmed Muse: Haa waxaan ka qayb galay tartamo barashada macalin nimada oo badan oo aan dhowr shahaadadood ka sameeyay sanadihii 1976 iyo 1982-83 iyo mid ay macalimiin Jermany ka socday na siiyeen sanadkii 1982-dii

Marka aad dib u fiiriso ciyaarihii Soomaaliya iyo ciyaaraha aad haatan qurbaha ku aragtay maxaa farqi ah oo u dhaxeeya?

Ahmed Muse: Tan gudaha waxaan u dheeli jirnay jacayl ah dheelista (as a hope) maxaa yeelay waxaan aheen arday. Kan aan dibada ku arkayna waa mid (Provisional) ama cayaaryahanka u ah shaqo. Kuna qasban yahay in uu (improvement) horumar fiican haduuna samayn uuna meel gaarayn.

Ma jireen cayaartooy xiligaadii ama kaa horeeyay oo aad cayaar wanaagiisa jeclayd ama aad jeclaan jirtay in aad ayagoo kale noqoto?

Ahmed Muse: Horta ma jirin qof aan jeclaa in aan asagoo kale noqdo, haday noqon lahayd dalka ama dibadiisaba (internationally), balse sanadihii danbe waxaan jeclaa daawashada NBA-da oo aan jeclaa cayaar wanaagiisa sida Dr. J (Julius Erving) oo u cayaari jiray Philadelphia 76ers.

Muddadii aad joogtay dalka Soomaaliya iyo haatan oo aad dibadda joogto, ma jiraan kooxo aad soo laylisay?

Ahmed Muse: Haa runtii waxaan macalin u noqday kooxo kala duwan laga soo bilaabo Gobol, naadi iyo Qaranba

Naadina waxaan macalin u noqday kooxdii wiilasha Batroolka sanadii 1982

Naadina waxaan macalin u noqday kooxdii gabdhaha Sancada sanadii 1985

Gobolka waxaan macalin u ahaa Gobolka Sanaag sanadii 1985

Qarankana sanadii 1983 gabdhaha Qaranka

Goormaad ka fadhiisatay, maaxdse sababay ka fadhiisiga cayaaraha adigoo weli da'yaraa?

Ahmed Muse: 1982 cayaartii finalka horiyaalka ee aan la cayaarnay kooxda Jeenyo oo xiligaa ahayd koox aad u adag ayaan cayaartaas ka hor waxaan ahaa dhaawac balse aynan iga maarmin kooxdayda, kuna dheelay anoo dhaawac ah.

Kooxdeena Batroolka ayaa wadatay dhowr cayaartooy aan ka mid ahaa oo hadaan dhaawac jirin aan awoodnay in aan iska celino koox kasta, balse hadii qaarkeen dhaawac yihiin ay kooxda dareemi jirtay maqnaashahooda.

Cayaartaas gudaheeda ayaan awoodi waayay in aan cayaarta dhamaysto, balse markasta oo aan fariisto baraf iyo xanuun bi'is la I siinayay, hadana ku soo noqonayay cayaarta in ka badan saddex jeer. Taas ayaana is dhihi karaa in ay dhib ii keentay. Intaa wixii ka danbeeyayna waa ka cayaari waayay kubada dhaawacii jilibka aawgiis.

Waxaan ogaa in adiga iyo walaalahaa oo aan badankiina is naqiinay isku xaafadna ka wada nimid, in aad dhaawac isku mid ah aad laheydeen, oo xaga jilibka ah. Maxaa keenay ayaad is dhihi kartaa ?

Ahmed Muse: qoslol dabadii ayuu yiri “horta waxaa hubaa in (Heredity) hiddo ama dhaxal aynan ahayn”. Waxaan is dhihi karaa biqutru tilaah ayay ahayd.

Sidee bay ahayd ayaad isleedahay aqoonta tababarayaasha iyo garsoorayaashii Soomaaliyeed?

Ahmed Muse: Runtii waxaan dhihi karaa in ay aad u saraysay aqoontooda. Iyagoon weliba badankoodu aynan uga soo bixin Jaamacado ee uu dadaalkooda iyo akhrinta buugaagta ay heleen gaarsiisay heer aan la qiyaasi Karin. Waxaana jiray garsoorayaal badan oo ka gaaray heer qaarad iyo heer caalamiba.

Sidee baad is leedahay waa lagu horumarin karaa Isboortiga Soomaaliyeed noocuu doono ha ahaadee?

Ahmed Muse: Horumarinta Isboortiga waxay ku xiran tahay nabadda. Hadaan nabad jirin waa adag tahay ka shaqaynta horumarin Isboorti. Balse hadii la helo nabad waxaan qabaa hadii lagu dadaalo cayaaraha oo laga dhigo heer Provisional in wax badan iska badeli lahaayeen, sida aan ku aragnay wadamada horu maray. Taas oo naga reebi karto qof jeclaysigii mararka qaarkood dhici jirtay.

Waxaa kaloo jirta maahmaah Jarmal ah oo dhahayso, “Xabada xal ma ahan balse cayaaruhu waxay kulmiyaan Ummadda”. Marka wadamada horumaray dadkoodii horay u cayaari jiray waxay ku raadiyaan in ay nabadda ku goobaan. Balse anaga keenii magac lahaa ama wax bartay jidka ayaan u taagan nahay in aan is dhaafino. Marka goormaan horumar gaaraynaa. Waxaana qabaa in la badiyaa kulanadda Isboortiga si dadka qalbigooda isugu soo dhawaadaan.

Ugu dambayn maadaama aad ahayd ciyaartooy qiimo ku lahaa kooxdiisa ama Qaranka Soomaaliyeed muddo dheerna ku soo dhex jiray ciyaaraha, Maxaad talo ahaan ugu soo jeedinaysaa dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku hawlan Isboortiga noocyadiisa kala duwan, dalka gudihiisa ama dibidiisa midba?

Ahmed Muse: Waxaan qabaa horta, waa in bulshada la fahansiiyo waxa isboortigu uu yahay. Qofka wax qabanaayo waa in uu horta isku kalsoon yahay marka hore oo ayna cabsi danbe ku jirin. Aqoon ku filan uu wax ku maamuli karo iyo Discipline adaab uu leeyahay. In loo guntado baadigoobka helitaanka cayaaryahano ka dhisan jir iyo maskaxba, markaas oo ay fududahay in wax la baro.

Cayaartooydana lagu dhiiri geliyo kii aad is leedahay mustaqbal fiican ayuu leeyahay economically iyo moral-ba.

Maxaad hada qabataa ma jiraan kooxo aad taba barto?

Ahmed Muse: Inkasoo ay xaaskayga ay hada tababarto gabdho ay ka mid yihiin gabdhahayga hadana mar mar waa caawiyaa. Balse hada waxaad moodaa in aan u leexday xaga siyaasada oo aan, aad moodo in waqtigayga badankiisu uu halkaas ku baxay.

Waxaanan hada ka mid ahay xisbiga lagu magacaabo Green ee dalka Germany ka dhisan. barlamaanka ayaan u ahay qofka u qaabilsan qaybta ajnabiga magaalada aan ku noolahay ee Troisdorf.

Doorashadaas oo ay ka soo qayb galaan dad kor u dhaafay kumanaan qof lagana rabo 25 xubnood oo baarlamaanka u metesho Kaasoo shantii sanaba mar laga doorto, Waxaana si qaas ah ugu xil saran-nahay ka ilaalinta da'yarta fallalka xun xun (Youth Development).

Axmed Muuse, inkastuu ku nool yahay waddan shisheeye oo aad uga fog dalkii hadana weli kama jiifo la xiriirka asxaabtiisii welina wuxuu u hayaa niyad ah in uu dalkiisii hooyo u gudo abaalkii ay u galeen. Wuxuuna ka mid yahay madaxda ururka cusub ee ay dhalinta kubadda kolayga ku midoobeen ee lagu magacaabo SSIFO (Somali Sports & International Freindship Organisation) wuxuuna u yahay madaxa u fadhiya dalka Germany .

Akhristayaasheena qaaliga ahoow waxaa intaas inoogu dhamaaday wareysigii xiisaha lahaa ee aan la yeelanay laacib Axmed Muuse Huseyn. Waraysigeena kan ku xigana waxaan isna ku soo qaadan doonaa mid ka mid ah xidigihii kubadda kolayga naadigii Minishiibiyo ama Dowladda Hoose oo lagu magacaabo Abuukar Axmed Maxamed (Abuukar Shiino), oo u cayaari jiray macalina u ahaa naadigaas. Waxaan filayaa in ay dad badani horay magaciisa ka garteen. Ha moogaanina dhawaan.

Waxaa waraystay:
Mohamed Sheikh Abdi (weli)
Xarunta Kubadda.com - London


Previous Article TAARIIKHDA MACALIN TARABI
Next Article WARAYSIGA XIDDIGAHA (ABUUKAR SHIINO)
Print
8389 Rate this article:
4.0
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top