Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Article

 

JAAMAC DHEERE OO LONDON BOOQASHO KU YIMID
M Sheikh
/ Categories: Sports News, Basketball

JAAMAC DHEERE OO LONDON BOOQASHO KU YIMID

Casho sharaf aad loo soo agaasimay, laguna soo dhawaynayey cayaaryahankii kubadda Kolayga kooxdii Ciidamadda Qalabka Siday ee HORSEED Mr Jaamac Mohamed Muuse (Jaamac Dheere) ayaa waxaa habeenhore oo bishu ahayd 12/01/2013 ka dhacday maqaayada bilicda san ee BROTHER RESTAURANT ee ku taal Waqooyiga magaalada London.

Jaamac Dheere, ayaa ahaa halbowlaha cayaaryahanadii ku tirsanaan jirtay kooxdii kubadda kolayga Horseed sanadihii 1985-tii ilaa iyo 1990-kii. Jaamac xilligaas wuxuu ahaa cayaaryahan da’yar, firfircoon, dhago fudud oo si fiicana u maqla macalimiintiisa. Teeda kale Jaamac wuxuu ahaa ciyaaryahan ayna ku farxi jirin cayaaryahanada kooxda ka soo hor jeeda qaabka jir dhismeedkiisa (Big muscle) kaas oo xoog, dhirir iyo fudeed isku darsaday.Jaamac wuxuu muddo dheer ku noolaa magaalada Toronto ee dalka Canada.

Casho sharafta ka hor dhamaan asxaabta reer London, oo uu Jaamac ka mid ahaa waxay ku wada maja baxsadeen garoonka Selby Centre, cayaar kubadda kolayga ah, taas oo si joogto ah sabti kasta ay ugu cayaaraan ciyaartoydii hore.

Jaamac oo aad u xiisaynayay farxada uu la qaybsanayay asxaabtiisii hore ayaa wacdaro muujiyey galabtaas wallow xoogii tirade badnaa uusan jirin hadana way ka muuqatay weli farsamadii lagu yiqiinay.

Jimicsiga kadib ayaa waxaa loo baqoolay si loogu fiidsado maqaayada barnaamijka qaybtiisii labaad ee ahayd casho sharafta loo sameeyay Jaamac Dheere.

Aniga oo ah Mohamed Sh Abdi (Weli) tafatiraha website-ka Kubadda.com horana u ahaan jiray saaxib mudo dheer Jaamac, is yaqaanay garoona la galay, ayaan waxaan uga faa’iidaystay kulankan soo dhawaynta ah, inta cuntada laga diyaarinayo in aan Jaamac wax ka waydiiyo taariikh nololeedkiisa cayaareed. Waraysigiina wuxuu u dhacay sida tan:

Walaalkay Jaamac, marka hore ku soo dhawoow London, raalina ka noqo in aan xoogaa ku mashquuliyo adoo jeclaa in aad saaxibadaa la sheekaysato caawa, balse kuma dheeraan doono su’aalaha.

Hadaan su'aashayda ku biloowdo: Qaab noocee ah ayaad ku billowday ciyaaraha. Yaase kugu dhiirrigaliyay?

Jaamac Dheere,: Intaanan guda galin Jawaabta suaashaada, waxaan rabaa in aan idinkaaga mahad celiyo gogosha soo dhawaynta leh ee aad ii fidiseen asxaabtayda reer London dhamaantiin, runtii aad ayaan ugu farxay sida aad isugu xiran tihiin una jeceshihiin xiriirinta walaalihiinii hore ee aad xirfadda kubadda kolayga aad wadaagi jirteen. Intaan joogay Canada ayaa ammaanta warkiina I soo gaaray, balse markaan imid halkaan waan arkay waxa la idinka sheegayay in ay run tahay.

Hadaan u soo laabto Jawaabta su'aashaadii, Walaalkay waxaan bilaabay cayaaraha sanadkii 1984-tii Runtii waxaan ka soo jeedaa Reer Sportiga jecel, qaarkoodna u cayaaray kooxihii Kubadda Koleyga waqtigaas jiray sida walaalkay Maxamuud Maxamed Muuse oo u ciyaaray naadigii Caymiska, iyo Cabdi Maxamed Muuse (Cabdiyaani) oo u cayarayay naadiga Somalifruit iyo kan iga wayn oo la yiraahdo Xuseen Maxamed Muuse oo ku magac dheeraa (Aadaa) oo kubadda cagta iyo kolaygaba ka gaaray heerka koowaad una cayaarayay kooxdii Madbacada.

Waxaa kaloo xusid mudan dhalinyaradii iga waynayd ee xaafada Cabdul Cassiis ama “kaambo” oo jeclaa in aan ka faa’iidaysto dhirirkayga ina dhiiri gelin jiray waxaana ka mid ahaa Catoosh, Muxidiin Cambar Qamiis oo kubadda cagta u cayaarayay naadigii kubadda cagta Waxool isla markaana ahaa cayaaryahan heer Qaran intaasna ku darsaday aqoonta xirfadda kubadda kolayga iyo C/qaadir Jaamac Muuse (Dhame).

Heer noocee ah ayaadse ku billowday. Mase jireen noocyo kale oo ciyaareed oo ka duwan kubbadda kolayga oo aad ka qayb-qaadatay?

Runtii ma cayaarin, ciyaar aan ahayn kubadda kolayga.

Cayaaraha waxaan ka bilaabay heer Degmo, oo aan u cayaaray degmadda Cabdul Casiis sanadkii 1984-tii, waxaana macalin ii ahaa Catoosh iyo Cabdulle Ahmed Sheikh.

Ma ka qayb-gashay tartammadii gobolada oo ahaa tartamo aad u xiiso badnaa kuna looltami jireen ciyaaryahanada da’da yare ee goboladaas u dhashay ama degenaa, ee ka dhex muuqday xaga farsamada ciyaareed? Hadayse jirto Sanadkee aad u ciyaartay. Yaadse ka xusi kartaa dadkii sanadkaas kugu kooxda ahaa?

Isla sanadkii 1984-tii ayaan ka mid noqday cayaaryahanada ugu wanaagsanaa degmooyinka ee laga xulay cayaaryahanadii matali lahayd Gobolka Banaadir. Cayaaryahanadii ila saftay sanadkaas waxaan ka xusi karaa sida:Cabdullaahi Aabuu, Nuuradiin “AUN”, Ahmed Xassan (John Tarafolto), Xassan Muuse, C/qaadir Jaangoow, Cumar Cadde iyo Kooshin Caanageel. Waxaana macalimiin noo ahaa Cabdirsaaq Shuluq iyo C/qaadir Dhame.

Nasiib ma u yeelatay kadib in aad u cayaarto kooxihii dalka ka dhisnaa?

Haa waxaan ku biiray cayaarihii Gobolada kadib kooxdii HORSEED sanadka markuu ahaa 1985-tii, oo aan u ciyaarayay ilaa iyo intaanan dalka ka soo tegin.

1986 waxaan u raacay Ciyaarihii ciidamada isla kooxdaydii Horseed oo safar ku aaday dalka Jordan oo aan ku soo guulaysanay tartankaas.

Waxaa kaloo I soo codsaday si aan ciyaaro ay dibada u aadayeen u raaco anoo metelaya magaca kooxdooda kooxdii Minishiibiyo sanadku markuu ahaa 1988-dii ayagoo rabay in ay aadaan Angoola balse ka baaqday safarkii.

Kadib waxay hadana I soo codsadeen in aan u dheelo ayagoo ka qayb galayay ciyaarihii Isreeb-reebka Horyaalada Afrika 1989-kii oo ay isku soo aadeen in ay laba cayaarood oo Home and Away ah la ciyaaraan kooxda dalka aan deriska nahay ee Ethiopia taas oo aan labadii cayaarba ka badinay.

Sida aan la socono Jaamac, Waxaa jiri jiray cayaarihii Xidiggaha, oo ahaa cayaaro aad u xiiso badnaa oo la qaban jiray kadib markuu dhamado Horyaalka, kuwaas oo laga soo xuli jiray cayaar yahanada ugu wanaagsan kooxaha tartanka intuu socday. Cayaarahaas ayaga ah, fursad ma u heshay in aad ka mid noqoto cayaar yahanadii ka qayb qaatay?

Haa, Cayaarahaas waxaa la qabtay laba sano, waxaan nasiib u yeeshay sanadkii labaad.Tartankaas oo socday bishii Juun ilaa iyo Juulaay ee sanadkii 1988, waxaan u saftay kooxdii SEPCOM oo ahayd kooxdii hantiday koobkii loo tartamayey.

Cayaaraha Xidiggaha waxay ahaayeen kuwo ka heer sareeya kuwii kooxaha heer naadi. Horumarkaas waxaa loo nisbayn karaa wada kulanka ciyaartoy taya wanaagsan iyo aqoontii iyo xeeladii tababarayaashii Kooxaha watay.

Kooxdeena waxaa na watay Nuuradiin Cali Siciid oo ahaa cayaar yahan heer Qaran oo aqoon iyo farsamo Illaah hibo u siiyay iyo macalin Xasan Faarax (John) oo runtii ahaa macalimiinta aqoonta heerka sare leh ee wadankeena soo maray.

Waxaa kaloo amaan mudan Milkiilayaashii maalgeliyay tartankaas oo la’aantood ayna hirgaleen, anoo jecel in aan uga faa’iidaysto fursadaan in aan u mahad celiyo maamulka shirkaddii SEPCOM gaar ahaan Bashiir iyo Daahir NEERO, iyo qaybtii ugu muhumsanayd oo ahaa taageerayaashii madaalayaasha ahaa, oo meel kasta iyo mar kasta u taagnaa taageerada iyo fududaynta wax kasta oo loo baahdo. Afar iyo labaatan sanadood kadib weli ma ilaawin mana arag dhacdo isboorti oo la mid ahayd.

Fursad ma u heshay in aad ka mid noqoto ciyaaryahannadaii heerka Qaran ee kubbadda Kolayga?

Haa, ugu horayn waxaan u ciyaaray Qaranka sanadka markii uu ahaa 1988-dii oo aan safar u aadnay dalka Kenya ciyaar saaxiibtinimo, casuumaad aan ka helnay dalkaas oo u dabaal degayay sanadguuradii dalkooda.

Hadana waxaan safar u aadnay dalka Kuwait Sanadii 1989-kii tartankaas oo aan ku harnay Quarter final.

Jaamac adoo nin dheer ahaa ayaad hadana waxaad ka mid ahayd ama tusaale u ahayd cayaar yahanada jirkooda sida wanaagsan u dhisan yahay xagga murqaha. Taasi mid aad u dhalatay miyay ahayd mise mid aad adiga biro qaadis ku gaartay?

Saaxib adiguba waad ogayd bilowga markaan soo galay cayaaraha waxaan ahaa wiil dhalinyaro ah oo dheer, caatana ah. Waxaan mararka qaarkood tegi jiray garoonka kooxda LL PP oo xaafadii aan degenaa ku ag yiilay, waxaan la ciyaari jiray ciyaar yahanadii kooxdaasi oo dhaadheeraa xoogna lahaa. Waxaa dhacday dhowr jeer oo aan u tagay kooxdaas in xoog la ii sheegtay balse aanan dhirir laygaaga fiicneen. Kadib waxaan is tusay hadaan biro qaado oo xoogaysto in aan la tar tami karo, taasoon ku guulaystay gadaalihii oo aan markooda xoog u sheegan jiray.

Biro qaadista waxaa igu gacansiiyay laacibkii Abdullaahi Yusuf Kaarshe (Hantule) sanadii 1985-tii mar uu noo yimid kooxda Horseed, kaas oo ahaa cayaaryahan dheer, xoogan aadna u jeclaa in uu markasta biro qaado jirkiisana ka fikiro.

Goorma, ayaad ka soo tagtay wadankii Soomaaliya. Sababtuse maxay ahayd?

Waxaan ka soo tagay Soomaaliya 1990-kii bishii May, dagaalada sukeeye ee dalka ku habsaday aawgood.

Jaamac aad ayaad u Mahadsan tahay sida qiimaha leh ee aad iigaaga war bixisay taariikh nololeedkaadii cayaareed. Halkaasna waxaa noogu eg waraysigii, waxaana mar kale ku leeyahay ku soo dhawoow London.

Waraysigii kadib waxaa iska daba yimid saxanadii raashinka casho sharafta, waxaana loo kala cararay faro dhaqii, yaan lagaa badin ayay noqotay sheekada.

Waxaa ka mid ahaa dadkii casho sharafta Jaamac Mohamed Muuse (Jaamac Dheere) Ka soo qayb galay:

Xasan Faarax JOHN
C/rahmaan Maxamuud SHIINO GUHAAD
Cabdulqaadir GARWEYNE
Maxamed Sheikh Cabdi WELI
Axmed Xirsi Cabdulle A. BILE
Abdi Jabaar Iimaan
C/weli Xuseen Sabriye
Mahad Cabdi Mohamud (Mahad Bilig)
Cali Abanuur (Cali Tabeelo)
Abuukar Yuusuf
Cabdixakiim Maxamed Siciid
Liibaan Daahir Yuusuf
Cabdullahi Abshir Cali
Cabdalle dheere WADANI
Liibaan Sheffield
C/Qaadir Osman (Gureey)

Iyo Xasan Ahmed Neegaro oo isna safar ku yimid magaalada London balse deggen Alberta, Calgary ee dalka Canada.

Cashadii kadib waxaa sheeko laba labo ah loo istaagay banaanka makhaayada, Jaamac Dheere, ayaa u wada mahad celiayay dhamaan marti sharaftii ka soo qayb gashay soo dhawayntiisa, si farxad iyo muxibo ka muuqato-na ku yiri “Maashaa Allaah” waxaad degen tihiin magaalo fiican, waxaana ku han waynahay in aan idiin soo guuro mustaqbalka.

W/Q: Mohamed Sh Abdi (weli)
Kubadda.com - London


Previous Article MAAMULKA X K C SOOMAALIYA OO SAGOOTIYAY KHABIIRKII DHIGAY COWSKA STADIUM BANAADIR
Next Article Rajada Mustaqbalka Kubadda Koleyga Soomaaliyeed oo dib u soo Ifaysa
Print
6080 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top