Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Youth Development

 

11 December 2017
Koobka Tartanka Goboladda ha loo bixiyo koobka QUDUS.

Koobka Tartanka Goboladda ha loo bixiyo koobka QUDUS.

Waxaa si habsami leh uga socda Muqdisho, caasimadda Somaliya tartankii labaad ee taxanaha ahaa ay ku loolamayeen maamul gobolada Somaaliyeed. Tartankan oo si quruxbadan loo maamulayo dowlad iyo gobolka Banaadir oo marti loo yahayba.  In kastoo aan hore ugu lahaa waaya aragnimo tramadda goboladda waxaa haddana is bedelay duruufaha iyo waqtiga.  Maanta waxaan talo ku bixino waa ha kasii samaatee marna ma aha dhaliil iyo dhaleecayn. Horumarka dal waa maro weyn oo wareegsan dhinacadana laga hayo hadii wadajir sare loo wada hayona waa lagu negaadaa, hadey dhinac u jaleecdo ama u janjeertona waa lumisay horumarkii ama hantidii la wada lahaa. Horumarka waxaa dhinacyadda ka haya dadka iyo dowladda waxay sugayaan sare u hinjin miisaaman si heerkii la gaaray hoos aan looga soo degin ee mar kale heer ka saraya kii hore la tiigsado.
10 December 2017
Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay

Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay

Waxaa shaaca laga qaaday isku aadka tartanka kubada Cagta maamul gobaleedyada dalka Soomaaliya oo looga dhawaaqay munaasabad ay qabteen wasaarada Isboortiga dalka iyo xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta.

Gobalka Banaadir oo Cayaaraha lagu marti gelinayo ayaa cayaarta ugu horeysa tartanka maalinta Jimcada la yeelan doona kooxda ka socota Jubbaland, iyadoo sida ku cad jadwalka tartanka ay maalinta khamiista ah dhici doonto munaasabada furitaanka.

10 December 2017
Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017

Cayaaraha Goboladda Somaaliyed 2017

Waxaa magaala maddaxda Soomaaliyeed ee Muqdisho ka socda tartankii kubadda cagta ee Goboladda Soomaaliyeed 2017.  Ciyaarahani waxay bilaabmeen xilligii kacaanka waxaana ujeedadu ahayd is-dhexgalka bulshadda iyo in la helo dhalinyaro caafimaad qabta oo u hiilan horumarka dalkoda.  Dowladda ayaa ka mas’uul ahad suurta gelinta tartanka wuxuuna aha hawl ay wadajir u qabtaan dhamaan hay’adaha dowladeed. Tartanka oo ah kii 2aad ee dib u soo rogaal celinta tartanka waxaa qorshuhu ahaa in lagu qabto Kismaayo, waxaase mar dambe dib loogu soo celiyey Muqdisho duruufo jira awgood.

30 August 2017
JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017

JUBBA oo ku guuleysatay SOMALI WEEK 2017

Waxaa galabtii axadda ee bisha August ahayd 27ka ku soo geba geboobay tartankii Somali Week oo loo qabtay sided kooxood oo da’doodu ka yartahay 18 jir. Tartankan oo lagu qabtay woqooyiga Galbeed London gaar ahaan Silver Jubilee Park, Brent.  Waxaa tartanku bilawday 20kii bisha waxaana tartanku ku soo gebageboobay wanaag iyo qaab sami.

Waxaa ciyaartii kama dambaysta ahayd isugu soo baxay labada kooxood ee Jubba iyo Nabadda. Sidii lagu yiqiin ciyaar kama dambays ah, waxaa bilawgii ciyaarta laysku qaaday weerar iyo weerar celin, waxaase kooxda Jubba muujisay awood farsamo dheeri ah markii ay goolal daran doori ah la eegteen goolka Nabadda oo run ahaantii uu caabiyey gool haye Islaw oo badbaadiyey kooxda in badan.  Jubba oo soo bandhigtay xirfad kooxeed iyo farsamo shakhsi waa kooxda ugu itaalka fiican waxayna ku guuleysteen tartamadii kulaylaha 2017.

22 August 2017
Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.

Axmed Cumar Islaaw Wasiir ku xigeenka Isboortiga Dowladda Soomaaliya, oo tartan ka furay London, lana kulmay bahda Isboorti.

Wasiirka oo sidii ku haboonayd loogu soo dhoweeyey wuxuu la kulmay dad aad u fara badan oo ka mid ah qurba joogta oo hore iyo hadda ku hawlan Isboortiga dhalinta Soomaaliyeed xiiseeyana kan dalkoodii hooyo. Waxaa Sidoo kale goob joog ahaa Xildhibaan Shiddo, Gudoomiyaha Xiriirka Ciyaaraha Fudud Marwo Khadiijo Nuur, iyo Xoghayaha Xiriirka, Axmed Cabdi Dahir Shell oo ah rug cadaa Isboortiga Soomaaliyeed, Dr Yusuf Shaqaaq, Eng Yusuf, Yu B,  Cabdirashiid Bakin, Wariye sare Muxyadiin Jaamac oo ka soo booqday kulankan dalka Canda gaar ahaan Toronto, iyo dad aan la soo koobi Karin oo kala ah ciyaartoy hore iyo hadda, maamul, garsoorayaal, Taageerayaal iyo waalidiin.
23 July 2017
XAFLADII XIRITAANKA KOOBKA JENARAL DA'UUD EE LONDON - UK

XAFLADII XIRITAANKA KOOBKA JENARAL DA'UUD EE LONDON - UK

taariikhda Soomaaliyeed waxaa ku xusan dad badan oo wadankooda u adeegay, ama u huray naftooda,  waxaa dadka Soomaaliyeed aaney marna ilaawayn Jeneral Da'uud Cabdulle Xirsi oo ah abaanduulihi uGu horeeyey ee ciidanka Militeriga Soomaaliyeed.  Jeneral Da'uud wuxuu asaaska u dhigay ciidankii difaacay dalka Soomaliyeed Dagaaladii lagu soo qaaday dowladii curdinka ahayd 1960 -1964.  Janaral Da'uud oo lagu sharfay Tartanka koobka Soomaaliyeed, ayaa waxaa qurbajoogtii Soomaaliyeed in muddo ahba ku magacaabaysay tartamo kooban iyo kuwa dhaadheer. 

23 September 2013
Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow

Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow

Odayaasha iyo dhalinyarada deegaamada koofur galbeed ee LONDON iyagoo isku duuban waxay casho sharaf kulmisa soo dhaweyn iyo ambabixin u sameeyeen cayaartooygii degmada Boondheere, Gobolka Banaadir, Naadiga MUQDISHO iyo xulkii QARANKA ee casrigii dahabka kabtan CUMAR CALASOW RAAGE oo aan dhihi karo inuu ka mid ahaa 10kii cayaartooy ee ugu fiicnaa ciyaartoydii kubadda cagta dalkkeena soo maray.

06 August 2013
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.

29 July 2013
Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Waxaa magaalada London gaar ahaan koofur galbeed xaafada lagu magacaabo Streatham lagu qabtay koob kubadda cagta ah oo aanan noociisa horay eysan u soo qaban qaabin Soomaalida qurbo joogta ah ee ku sugan magaalada London.

29 July 2013
Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Waaxda farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegtay in xiriirku aad ugu rajo weynyahay in is badal weyn uu ku imaan doono cayaartoyda Soomaaliyeed gaar ahaana dhinacyada xirfada, farsamada iyo qaab ciyaareedkooda, hadii horyaalka dalka lagu cayaaro garoon heer caalami ah, isla markaana xulka qaranka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku tababar qaataan garoon ku qalabeysan cowska casriga ah, taasoo la filayo in ay dhacdo bisha September ee sanadkan.

RSS
123
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top