Tennis News

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku geeriyooday shaksi qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana bahweynta Isboortiga Ibraahim Cilmi Bulaale oo loo yiqiin Ibraahim XISBIYO. Ibraahim Xisbiyo wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kuna lahaa qiimo weyn kana soo qayb qaatay adeega difaaca dalkiisa oo ah hawl sharaf badan. Markii laysku daray kooxihii Boliiska iyo Xooga oo la abuuray naadiga Horseed ayaa gudoomiye waxaa u noqday Ibraahim Xisbiyo intii u dhexeysey 1972 -1980.

 


Read more >>>
Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'