Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Koobka Tartanka Goboladda ha loo bixiyo koobka QUDUS.
H Farah

Koobka Tartanka Goboladda ha loo bixiyo koobka QUDUS.

Waxaa lagu Midoobaa Mabda' iyo Himilo. Qudus waa ku midaysanahay dhamaan.

Waxaa si habsami leh uga socda Muqdisho, caasimadda Somaliya tartankii labaad ee taxanaha ahaa ay ku loolamayeen maamul gobolada Somaaliyeed. Tartankan oo si qurux badan loo maamulayo dowlad iyo gobolka Banaadir oo marti loo yahayba.  In kastoo aan hore ugu lahaa waaya aragnimo tramadda goboladda waxaa haddana is bedelay duruufaha iyo waqtiga.  Maanta waxaan talo ku bixino waa ha kasii samaatee marna ma aha dhaliil iyo dhaleecayn. Horumarka dal waa maro weyn oo wareegsan dhinacadana laga hayo hadii wadajir sare loo wada hayona waa lagu negaadaa, hadey dhinac u jaleecdo ama u janjeertona waa lumisay horumarkii ama hantidii la wada lahaa. Horumarka waxaa dhinacyadda ka haya dadka iyo dowladda waxay sugayaan sare u hinjin miisaaman si heerkii la gaaray hoos aan looga soo degin ee mar kale heer ka saraya kii hore la tiigsado.

Dadka waxaa mideya Diinta Islaamka ah oo aan cawo iyo nasiib u yeelanay inaan ku dhalano oo ku barbaarno.   Sida laga warqabo waxaa maddaxyaraha Maraykan ku taliyey in uu Yuhuuda u aqoonsado in Qudus caasimad u tahay.  Duruufaha jiraa hadey xadidaan in aanan miciin tari Karin, waa inaan maadiga macanawi ku bedelna oo ku muujinaa laxawgeena dareenkeena inaan garab taaganahay.  Sidaas awgeed waxaan ka codsaynaa maamulka tartanka in koobka la bixinayo ama la bixindoono kulamada dambeba loogu magac daro Qudus.  Taas oo lagu muujinayo garab istaaga, muujinta walaalnimada iyo gudashadda waajibka qof kasta oo muslin ah qoorta u suran.  Qofka wax garadka ahi waa inuu fekeraa oo dareemaa tan walaalkiis haysataa isaga intey u jirto?  Maxaase dadka reer falastiin gaarsiiyey heerka ay joogaan, sow ma ahayn shisheeye si fudud dalkoodii iyo degaankoodii u soo caga dhigtay. Sow qaar yar oo keli danaysato ahi kama iibin dhulkii iyo guryihii markii dambena intii kale sow awood looma sheegan.  Sawirkaa mid u eg imisa dal ayaa ku sugan.  Tirada aadmiga oo aad u fara badanaya iyo khayraadkii aduunka oo soo dabar go’aya awgood waxaa dunidu u hanqal taageysaa dowlada aan horumarin, welina khayraadkoodu dihenyahay.  Xeel iyo xoogba waxaa lagu maquunin doonaa cidii loo arko iney marayso ama la marsan karo.

Dadka Rohingya ee Myanmar waxay ku dhaqnaayeen kumanaan sanadood maatana waxay ka qaxayaan dhulkoodii hooyo, Dunidu waa ka indha saabatay.  Hadii xusuusteenu yartahayna markii abaar iyo nabad xumo inala soo derseen, markii aduunku inagu sheegay quus, hadaan Turkiga Alle inoo bixin manta ciyaaro ma hadal hayneen.  Nabadda waxaa dhala cadaaladda, waxayna ku timaadaa marka dadku yeeshaan wax ka dhaxaya.  Qof kast waa jecelyahay inuu xuquuqdii Alle siiyey haysto cidna aanu uga baqin maalkiisa, naftiisa iyo  reerkiisa.  Qof kastii doon inaan lagu xad gudbin oo aanu ku noolaan cabsi maxaa ugu wacan in qofku waxaanu naftiisa la doonin inuu aadmi kale ku dayo. 

Aan ku soo rogaal celino Isboortiga waa nabad nin haystaa maxaa lagu sii horumarin karaa barbaarinta ubbadka Soomaaliyeed jir, maskax iyo laxaw (Dareen). Laxawga oo afka qalaad lagu yaraahdo emotional waa qayb weyn oo qofka jihaysa kana dhigta waxa uu yahay.

Gunaanad aragnay isku aadkaka kooxaha sideese loogu mataaneyey degmooyinka Muqdisho,  awood ma u leeyihiin iney marti sooraan wafdiyada Gobolada, doodo iyo kulamo kale ma tagaan.  Masraxa furan iyo Ajakis hadii aan Gole marti iyo Madadaalo jirin ma tegi karaan.  Ma aha in tartanka Kubadda Cagta ay ahaato muhimaddu, Kubadda cagtu waa marinkii lagu gaaraayey dhalin mideysan, shacab is ogol, fekerka qabiil oo ka baxa maskaxda dadweynaha iyo dowlad iyo shacab garta waajibka lagu leeyahay, xaqoodan hela.  Soomaali Alle u magan iyaduna is mudan.


Previous Article Isku aadka cayaaraha kubada Cagta maamul gobaleedyada oo la shaaciyay
Print
10603 Rate this article:
4.5
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top