GUDDOOMIYAHA K. CAGTA DALKA JABUUTI OO LA KULMAY “SEPP BLATTER”
Guddoomiyaha Xiriirka kubada cagta dalka Jabuuti Suleymaan Xasan waaberi oo ku sugan
xarunta FIFA uuna wehlinayo wasiirka sportiga dalkaasi Dr Jaamac Cilmi Cukiye ayaa
balan qaaday in uu xooga saari doono horumarinta kubada cagta ee iskuulada iyo tan
gabdhaha, waxaana uu hadalkaasi ka sheegay kulankii ugu horeeyay ee uu la yeeshay
madaxweynaha FIFA Joseph S Balatter isagoo madax ka ah xiriirka kubada cagta dalka
Jabuuti.
Intii uu socday kulan muddo qaatay oo uu la yeeshay Madxaxweyne Blatter ayaa Mr
Suleymaan Waberi waxaa uu madaxweynaha FIFA u gudbiyay waqrbixin faafaahsan oo ku
saabsan horumarka kubada dalkiisa iyo qorsheyaasha uu doonayo in uu daah-fur kaga
dhigo siyaasadiisa ku wajahan horumarinta kubada cagta Jabuuti gaar ahaana dhanka
dugsiyada iyo gabdhaha.
“Guddoomiye Blatter si weyn ayuu usoo dhaweeyay hindiseheena cusub ee ku wajahan
horumarinta kubada cagta wuxuuna inoo xaqiijiyay in uu taageero weyn siin doono
barnaamijka aanu u gudbinay”ayuu guddoomiye suleymaan u shegay qeybta warfaafinta
xiriirka kubada cagta bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA.
“Blatter aad ayuu ula dhacay qorsheheena iyo waliba sida aanu u bad baadinay kubada
cagta dalka muddo dhowr bilood ah oo uusan xiriirku wax hogaan ah lahayn, wuxuuna
carrabka ku adkeeyay in uu taageerayo qorshaha aanu damacsanahay in aan ku horumarino
kubada cagta Jabuuti”ayuu yiri guddoomiye Suleymaan.
Waxaa uu guddoomiyuhu sheegay in xiriirka uu madaxda ka yahay oo kaashanaya wasaradda
Isboortiga uu diyaariyay qorshe cusub oo horumarinta kubada cagta dugsiyada ah,
isla markaana uu xiriirku heshiis la gaaray wasaarada wax barashada kaas oo ku aadan
qaban qaabinta cayaaraha dugsiyada.
“Waxaa jira qorshe gaar ah oo aanu ugu tala galnay dhanka dugsiyada si aan cayaartoy
da’ yar oo tayo leh uga helno dugsiyada kuwaas oo aanu msutaqbalka u adeegsan doono
cayaaraha dhalinta da’doodu ka yartahay 17 sano”ayuu yii rguddoomiye Suleymaan oo
sheegay in tartamada dugsiyada loo qaban doono gabdho iyo wiilal ayna dhici doonaan
sanad kasta.
Wuxuu sheegay in madaxda FIFA ay u gudbiyeen qorshe faafahsan oo ay ku jiraan horumarinta
cayaaraha Futsal-ka, kubada lagu cayaro xeebaha, tan gabdhaha, tabarrada macalimiinta
iyo kuwa garsooreyaasha cusub si loo helo garsooreyaal tiro ahaan iyo tayo ahaanba
horumarsan.
Waxaa uu intaa raaciyay guddoomiyuhu in kubada cagta Jabuuti markii horaba laga
soo bilaabay dugsiyada hadana la doonayo in dhanka dugsiyada lagasoo dhiso.
Dhankiisa wasiirka dhalinyarada iyo Sportiga dalka Jabuuti Dr.Jaamac Cilmi Cukiye
ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay qaabka hab maamuuska sare leh ee madaxda
FIFA ay usoo dhaweeyeen uguna muujiyeen taageerada ballaaran si loo horumariyo kubada
cagta dalkiisa oo hada doonaya in uu ka faa’iideysto qeybtii lixaad ee mashruuca
goal project.
“Kubada cagtu waa cayaar wanaagsan waxaana anigu shaqsi ahaan ugu yeeraa caytaarta
qurxan ee bulshada caalamka, waxaana ka wasiir ahaan ballan qaadayaa in aan wax
kasta ku bixin doono sidii horumar loo gaarsiin lahaa kubad cagta dalkeena”ayuu
yiri wasiirka oo la hadlay qeybta war-faafinta ee xiriirka kubada cagta bariga iyo
bartamaha Africa ee CECAFA isagoo jooga xarunta FIFA ee magaalada Zurich Switzerland
maanta.
By: Shaafici Muxuyadiin