Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Deeqa Maxmed Siyaad oo la kulanta Bahda K.Kolaya London
M Sheikh

Deeqa Maxmed Siyaad oo la kulanta Bahda K.Kolaya London

Bahda Kubadda Kolayga London waxay habeenkii Sabti-Axad ee todobaadkan ku soo dhoweeyeen magaaladan London Deeqa Maxamed Siyaad oo booqasho gaaban ku timi London. Deeqa Maxamed oo ka mid ahaa ciyaartoydii Dugsiga Shibis, Xaafadda Shibis iyo Kooxda Kubadda Kolayga ee Naadiga Wakaaladda Ganacsiga Ummadda oo loo yiqiin (ENC).

Waxaa fiidkii hore Deeqa Maxamed oo ay weheliso Safiyo Maxamuud Gudaal (Neero) ku soo booqdeen kulanka todobaadlaha K. Kolayga garoonka Selby Centre ee ku yaala woqooyiga London N17. Waxaa tartankii saddexda kooxood ee fooda isdaray muujiyeen xirfad iyo xamaasad dheeri ah, balse waxaa libintu u badnayd kooxdii uu watay Macalin Joon oo ay wehliyeen Cabdi Rahmaan, Abuukar Tall, Cabdixakim Society iyo Suleemaan Yare oo isfahamkooda iyo wada shaqayntoodu ahayd midaan loo dhigmin. Hadii koob munaasabadu leedahayna hantiyi lahaa. Waxaase intaa ka darnaa mar uu macalin Joon kooxddii ka soo horjeeday oo ay ku dhamaayeen Maxamed Sheikh, Cabdullaahi Abshir, Cabdulkhaadir Garwayne iyo Cabdiweli waxool ayagoo arkaya korkooda slam dunk ku sameeyay!!!.

Ciyaarta kadib ayaa martida lagu sooray Madal bilicsan oo leh mandar qurux leh iyo casho dhadhan macaan. Waxaa fadhiga wanaajiyey sheekadii laysla helay ee waayo waayo, iyo xusuustii dadkii waagaas. Waxaa fadhigu u ekaa ehel kala maqnaa oo isu soo hiloobay u haraadnaa hadal iyo is waraysi. Bahda kubadda kolayga oo ku baahsan aduunka baalashiisa kala fog ayaa midba meeshii lagu sheegay ama lagu ogaa la wadaagay. Malintii Sabti wey dhamaatay oo Axad baa soo gashay ileen waqti kuma sugee waxaana la xusuustay in London la joogo ee Soomaaliya gaar ahaa garoomadii Muqdisho aan la joogin. Waxaa dhamaan si wada jir ah oo kalgacal iyo xushmad ku dheehantahay loogu soo dhoweeyey Deeqa Maxamed Siyaad oo aqoon dheer oo fog goob joogta qaar u lahaayeen qaar kalena kula kulmeen kulamada iyo tartamada bahda K.Kolayga ee woqooyiga Maraykanka sida kulanka sanadlaha ee Ashland Oregon oo uu marti sooro Cabdi Xalwo iyo xaaskiisa Maryan Caddey.

Deeqa oo hadal aad u kooban uga mahadcelisay dhamaan intii madasha joogtay, wexey tusaalaysay wanaaga Isboortiga iyo walaaltinimada bahda Isboorti gaar ahaan Kubadda Kolayga, wexeyna ku baaqday in booqasho lagu yimaado kulamadda America iyo Canada.

Munaasabadahan dadkii joogay waxaa ka mid ahaa Cabdiraxmaan M. Guhaad (shiino).Safiyo M. Gudaal (Neero), Cabdulqadir (Garweyne), Maxamed Sheikh(Weli), Abuukar (Tall), Cabdiweli, Axmed Bille, Cabdullahi Abshir iyo Wiilkiisa, Cabdixakiim, Cabdiraxmaan, Suleiman, Saadiq, Macalin John, Faiza iyo Farhia Maxmed Sheikh, iyo Maxamed Cabdullahi Caddow (Napoli).

W.Q: M. Sheikh Abdi (Weli)

 
Previous Article Xiddigii kubadda Kolayga Axmed Muuse oo booqasho ku tagay Degmadii uu ka bilaabay ciyaaraha
Next Article Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale ’XISBIYO’
Print
6811 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top