Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Xiddigii kubadda Kolayga Axmed Muuse oo booqasho ku tagay Degmadii uu ka bilaabay ciyaaraha
M Sheikh
/ Categories: Sports News, Basketball

Xiddigii kubadda Kolayga Axmed Muuse oo booqasho ku tagay Degmadii uu ka bilaabay ciyaaraha

Axmed Muuse wuxuu ka mid yahay Qurbo joogta dhawaan ku laabatay dalka Soomaaliya si ay qayb uga qaataan dib u dhiska ka socda dalka qaybta ayaga kaga aadean ee Isboortis. Ahmed wuxuu ku noolaa mudo dheer dalka Germany magaaladiisa Troisdorf.

Axmed Muuse Huseyn oo u cayaari jiray naadigii kooxda kubadda kolayga Batroolka iyo Qarankii Soomaaliyeed ayaa ku tilmaamnaa in uu ka mid ahaa ciyaartooyda fara kutiriska ahayd ee magaca wayn ku yeeshay taariikhda cayaarta kubadda kolayga Soomaaliyeed.

Mar aan qadka taleefonka kula hadlay asagoo jooga Xamar, ayuu Ahmed ii sheegay in uu qorshooyin badan ka leeyahay ku soo noqoshada dalka. Asagoo ugu hor mariyay in uu booqdo goobtii uu ku bilaabay kubadda oo u sabab ahayd in uu magaca uu leeyahay ku yeesho.

Axmed Muuse wuxuu ku dhashay degmada Xamar jajab ee gobolka Banaadrir 30kii August 1958-dii, balse markuu gaaray 10 jir, waxaa reerkiisii u soo guureen degmadda H/wadaag oo uu ku soo barbaaray kuna bilaabay ciyaarta kubadda kolayga kuna noolaa ilaa uu dalka ka soo tago sanadkii 1985.

Ahmed ayaa dalka ka tagay asagoo nabad ah, balse ku laabtay 28 sano kadib iyadoo dagaaladii sokeeye dhaawac wayn u gaysteen dhismihii iyo muuqaalkii dalka oo dhan.

Ahmed oo mudo bil ka badan hada ku sugan Soomaaliya qaasatan caasimada Muqdisho ayaa la kulmay qaar kamid ah cayaaryahanadii hore iyo macalimiintii Isboortiga Soomaaliyeed oo mudo badan halkaa ku sugnaa oo qaarkood ka mid noqdeen siyaasiyiinta dalka.

Ahmed ayaa booqday dagmada H/wadaag, isagoo la kulmay gudoomiyaha cayaaraha ee degmadda Cabdulqadir iyo gudoomiyaha Olombikada degmada oo ka mid ah laacibiintii yaraantiisii gacanta ku siiyay kubadda Cabdi Faray, kuwaas oo fursad u siiyay in ay ku soo wareejiyaan dhamaan dhismaha degmadda taas oo dib u soo xasuusisay, xaruuntaan in ahayd meeshii uu ku bilaabay kubadda kolayga asaga iyo dhalinyaro kale oo badan oo magac ku yeeshay Qaranka, addna uga calool xumaaday maanta bur burka ka muuqdo.

Ahmed ayaa wuxuu sheegay dhamaan guryihii xaafadaasi maadaama laga qaxay uu daad caro wato dhulka la galay, badannaa guryihii qaarkood ay wada duugmeen, qaarna nus ka nus dhulka galeen. Taas oo kuu cadeyn karto ayuu yiri darbigii dheeraa ee degmada H/wadaag sida uu u soo gaabtay.

Wuxuu ii cadeeyay in ay baahi badan oo xagga dib u dhiska dalka ay jirto, hadii wax kasta laga sugo in dowladda ay qabato, ay aad ugu adkaanayso ama muddo dheer qaadan karto. Balse wuxuu soo jeediyay hadii dadkii ehelka u ahaa kubadda oo badankoodu maanta Qurbaha ku nool ay is kaashadaan in wax badan la qaban karo.

Wuxuu yiri “ka soo qaad hada Degmada H/wadaag, sida aad aragtaan darbigii oo xoogaa kor loo qaado, dhulka garoonka oo xoogaa salaaxid halmar gacanta la marsiiyo iyo Birihii kubadda lagu cayaarayay (basketball Rim or hoops) oo loo soo gado ayuu u baahan yahay. Intaa kadib waa biloow fiican. Tartiib tartiib ayaa inta dhiman loo dhamaystiri karaa.”

Wakhtigaan xaadirka ah Xaafadda H/wadaag, waxay leedahay koox kubadda kolayga ah, oo ka mid ah kooxaha ka qayb galaya tartanka cayaaraha degmooyinka ee hada socda. In kasta oo ay tababar ku qaatan meelo kale.

Hadaba waxaan soo jeedin lahaa in bahda kubadda kolayga ay fadhiga ka kacaan, una soo jeestaan sidii ay qayb uga qaadan lahaayeen soo celinta magacii Qaran ee bahda kubadda kolayga ku lahaayeen dalkooda iyo dib u dhiska dalka ka socda. Tusaalena u noqdaan ummadda inteeda kale.

W/Q: Mohamed Sh Abdi (Weli)


Previous Article Somalia announces nationwide athletics development program
Next Article Deeqa Maxmed Siyaad oo la kulanta Bahda K.Kolaya London
Print
5597 Rate this article:
No rating
M Sheikh

M SheikhM Sheikh

Other posts by M Sheikh
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top