Koobka Qaramada Afrika 2013
Koobka qaramada Afrika waa muraayadda laga arko lagana qiimeeyo Kubadda Cagta Afrika.
Ciyaartoyda afrika waa gaareen guulo shakhsi, welise ma gaarin guulo kooxeed oo
wax ku ool ah. Waxaa kooxaha Yurub u arkaan tartankan meel laga soo xusho xidigaha
mustaqbalka. Waxaa kale oo soo badanaya daawashadda ciyaaraha ee qaarada Afrika
dibadeeda, taageerayaasha kooxaha yurub wexey taageeraan qaranka uu ka tirsanyahay
ciyaartoyga ay jecelyihiin.
Waxaa dhamaan kooxaha tartanku wada cayaareen tiro is le’eg ama mid ah oo
ah laba cayaarood waxaana la mala awaali karaa awooda iyo rajada kooxaha. Mar aam
u fiirsanay waxaa qaybta A oo kala ah South Africa, Cape Verde, Morocco, iyo Angola
waxaa kooxda martida loo yahay ka go’an iney gaaraan isreebreebka waana wada
jir kooxeed, waxaa la filan waa ku noqotay bandhiga jaziiradaha Cape Verde, waxaan
heerkoodii ka gaabshay Angola.
Group A
Team
Played
Goal Difference
Points
South Africa
2
2
4
Cape Verde
2
0
2
Morocco
2
0
2
Angola
2
-2
1
Kooxaha qaybta B, oo kala ah Ghana, Mali, DR Congo, iyo Niger waxaa hogaanka haya
xidigaha Ghana oo guul iyo barbar dhac afar dhibcood ku leh, halka Mali saddex dhibcood
ayey leedahay. DR Congo waxaa ay ku gudbi kartaa iyadoo Mali ka badisa, hase yeeshee
Niger ma rajo badna maadaama ay Ghana u hartay.
Group B
Team
Played
Goal Difference
Points
Ghana
2
1
4
Mali
2
0
3
DR Congo
2
0
2
Niger
2
-1
1
Qaybta C oo kala ah Burkina Faso, Nigeria, Zambia, iyo Ethiopia waxaa ay u muuqataa
in labada ugu horeeya soo gudbayaan maadaama Ethiopia rajo yartahay Zambiana u baahantahay
iney ka guuleysato Burkina Faso.
Group C
Team
Played
Goal Difference
Points
Burkina Faso
2
4
4
Nigeria
2
0
2
Zambia
2
0
2
Ethiopia
2
-4
1
Qaybta D, oo ka kooban Ivory Coast, Tunisia, Togo, iyo Algeria, waxaa Ivory Coast
hubtaa iney u gudubtay heerka sideeda xooxood maadaama laba guulood ay hanatay waxaase
su’aashu tahay Togo iyo Tunisia yaa tegayya yaana hore u sii talaabsanaya?
Algeriana ma fara madhnaan ayey ku noqonaysaa?
Group D
Team
Played
Goal Difference
Points
Ivory Coast
2
4
6
Tunisia
2
-2
3
Togo
2
1
3
Algeria
2
-3
0
Waxaa tartanku gaaray heerkulul, koox kastana rajo iyo raja xumi soo eegeyso yaa
soo baxaya? Ivory Coast iyo …. Wakhtigaa sheegi.
W/Q: Hassan Farah (macalin John)
Unable to display the items (requesting the items failed)
H Farah
Other posts by H Farah
Contact author