Handball News

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.
Read more >>>
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Habeenkii Isniinta oo taariikhdu ahayd  10/06/2013 ayaa ay ku kulmeen xubnaha ku jira xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed kuwooda qurbo joogta ah, maqaayad ku taal galbeedka London oo la yiraahdo Blue Ocean. Kulankan ayaa uu soo abaabulay xoghayaha guud  ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (G.O.S.) mudane Duraan farah.
Read more >>>
Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku geeriyooday shaksi qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana bahweynta Isboortiga Ibraahim Cilmi Bulaale oo loo yiqiin Ibraahim XISBIYO. Ibraahim Xisbiyo wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kuna lahaa qiimo weyn kana soo qayb qaatay adeega difaaca dalkiisa oo ah hawl sharaf badan. Markii laysku daray kooxihii Boliiska iyo Xooga oo la abuuray naadiga Horseed ayaa gudoomiye waxaa u noqday Ibraahim Xisbiyo intii u dhexeysey 1972 -1980.

 


Read more >>>
Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

Maamulka naadiga Heegan ayaa Maqaayadda weyn ee LIDO SEA FOOD  Casho Sharaf lagu maamuusayo guulaha ay ciyaarta Kubadda Gacanta ka soo hoyeen wiilasha iyo gabdhaha  kooxda Heegan ku qabtay, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiinta GOS , Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , Ciyaartoy iyo Marti Sharaf kala duwan.    Ugu horeyn  waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee  naadiga Heegan Mustaf C/Casiis Maxamed oo ka dhawaajiyay in guulaha kooxda heegan aysan ku imaan si fudud wuxuuna tilmaamay  isku xirnaanta iyo kartida ay muujiyeen ciyaartoyda iyo maamulka sare oo kaashanaya Taliyaha Akadeemiyadda ay suragashay inay ku talaabsadaan guulo is xiga.

 


Read more >>>
CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho ayaa ciyaartii kama dambeysta Horyaalka 13aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay wiilasha Heegan iyo Dekedda, waxaana markii shanaad ee isku xiga koobka gacanta ku dhigay kooxda Heegan oo 17-15 ugu awood sheegatay kooxda Dekedda. Labadan Kooxood ee Heegan iyo Dekedda ayaa ah labada kooxood ee ugu awoodda weyn dhanka Kubadda Gacanta dalkeena waxaa ka dhaxeeya xafiiltan ciyaareed aad u heer sareeya, waxaana muuqanaysa markii ay kulmayaan inay ciyaarayaan kulan xirfad iyo xamaasad badan.


Read more >>>
Kooxda Heegan oo Hanatay Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta

Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho  ayaa ciyaartii kama dambeysta  Horyaalka  4aad ee Kubadda Gacanta waxaa isku haleelay  gabdhaha Horeed iyo Heegan , waxaana  si xarago leh  markii  afaraad koobka gacanta ugu dhigay kooxda Heegan oo 12-5 ugu awood sheegatay kooxda Horseed.


Read more >>>
Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay  Horyaalkii  4aad ee Kubadda Gacanta

Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda

Waxaa ciyaar ka tirsan Horyaalka 4aad ee Kubadda Gacanta garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho isaga horyimid gabdhaha Horeed iyo Dekedda, waxaana guud ahaan muuqatay inay ku gacan sareeyeen Horseed oo goolal badan huwiyay gabdhihii Dekedda oo ay ku kala direen 14-4. Ciyaartan ayaa durba ku bilaabatay dardar xooggan ay la soo galeen Horseed oo goolal...


Read more >>>
Gabdhaha Kubadda Gacanta Heegan oo ku durduriyay Dekedda

Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink

Garoonka 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee Magaalada Muqdisho waxaa si habsami leh uga socda  Horyaalkii 13aad ee Kubadda Gacanta, waxaana ciyaar kulul isaga horyimid Kooxaha Heegan iyo Nationlink . iyadoo si xarago leh ay guushii  ku raacday kooxda Heegan oo 28-22 ugu awood sheegatay kooxda Nationlink.
Read more >>>
Kooxda Kubadda gacanta Heegan oo si xarago leh uga Badiyay kooxda Nationlink