Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

Ghana, Mali, Nigeria iyo Burkina Faso oo isugu soo haray Koobkii Qaramada Afrika
Kubadda Webmaster
/ Categories: Sports News, Football

Ghana, Mali, Nigeria iyo Burkina Faso oo isugu soo haray Koobkii Qaramada Afrika

Koobka qaramada Afrika 2013 (African Cup of Nations) oo gaaray heerkii semi finalka ayaa waxaa isugu soo haray afar kooxood oo siyaabo badan aan isugu dhigmin, Ghana iyo Nigeria oo laga filayey iney kaalintan soo gaaraan, ayaa waxaa ku fool leh Burkiina Faso iyo Mali.

Nigeria oo lagu tuhmayo ciyaartoy awood sare leh tiro iyo tayoba, waxaa hor taagan Mali oo dalkoodii dhib iyo dagaalo ka taaganyahay, go’aansadayna iney sharafta iyo magaca dalkooda sare u qaadaan. Tababaraha Qaranka Nigeria ayaa wuxuu sheegay in Mali aan la dhayalsan karin ayna go’aankooda sii adkeyneyso xaalada dalkoodu ku suganyahay. Waxaa sidoo kale xusid mudan in Mali ka soo badisay Ivory Coast oo loo filayey iney koobka qaadaan, taasina siisay kalsooni weyn.

Ghana oo iyaduna leh taariikh fac weyn dhanka kubadda cagta waxaa ay ku fekereysaa una xeel dhiganaysaa habkey ku dhaafi lahayd Burkona Faso. Ghana oo in badan aan gaarin halkii laga filayey balse go’aansatay in markan aaney noqon sidii hore, waxaa tababarahoodu sheegay inaaneey jirin wax ka leexin kara himiladooda.

Ciyaarahan oo dhici doona berri oo Arbaca ah bisha Febraayona tahay 6. Waxa la sugo waa yaa guushu raaci doontaa? Yaa loo awood sheegan doonaa? Nin yar oo nin weyn ridey ma aragteen? Waqtigaa ka jawaabi doona.

W.Q. Kubadda.Com


Previous Article Somali govt. pledges ‘end to AU troop presence’ at soccer facility
Next Article Gabdhaha Heegan oo ku Guuleystay Horyaalkii 4aad ee Kubadda Gacanta
Print
5682 Rate this article:
No rating
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top