Search
× Search
Thursday, March 28, 2024

Article

 

Hablihii hore ee Kubadda Kolayga oo doortay hogaan cusub
H Farah

Hablihii hore ee Kubadda Kolayga oo doortay hogaan cusub

Waxaa soo gaaray magaaladda London, ee caasimadda Boqortooyadda Midowday (United Kingdom) ciyaartoy magac iyo maamuus ku lahaa isboortiga, kuwaas oo ahaa cayaar yahanadii gabdhahii hore ee kubadda kolayga Soomaaliyeed.

Kulankan oo qayb ka ahaa, shir sanadeedkii gabdhaha Kubadda Kolayga Soomaaliyeed oo sanadkan lagu balansanaa in uu ka dhaco London, oo ay ku suganaayeen dad badan oo Soomaali ah laguna qiyaaso ku dhowaad laba boqol oo kun, waxaa sidoo kale ku sugan ciyaartoy fara badan oo isugu jira kuwii hore iyo kuwa dambo oo kala metela cayaaraha kala duwan.

Ergooyinka gabdhaha ka kala imaanayay wadamo badan oo yurubta ah, ayaa soo dhawayntooda iyo deegaan dejintoodaba waxaa balan qaaday gudoomiyihii xiligaas oo ahayd Miski Cumar, oo ay wehliyaan dhamaan xubnihii gabdhihii kale ee London la deggenaa.

Iyagoo maalmo kala duwan soo gaaray London, ayaa kuwoodii ugu danbeeyay ay soo galeen maalintii khamiista bishu ahayd 06 july 2017.

Kulanka ayaa u suurto gashay in ay ka soo qaybgalaan sanadkan:

  • Xaawo Muuse Cabdulle (X-Dheer) Norway
  • Muna Caydaruus Norway
  • Xaawo Maxamed Cabdulle (Xaawo Kiin) Jarmal
  • Canab Cabdullahi Sh Axmed (Istaahil) Holland
  • Astur Jaamac Cilmi Sweden
  • Dhuux Jaamac Cilmi U.K. Bolton
  • Shukri Maxamed Nuur Dhalbaas U.K. Northampton
  • Aamina Cumar Kuukay (Nuuna) London
  • Safiya Maxamuud Gudaal (Neero) London
  • Diib Cabdi Jaamac London
  • Samsam Xaaji Geele London
  • Caasha Geelo London
  • Khadiijo Cabdi Gacal London

Kadib markey kulmeen waxaa nasiib u yeeshay habeenkii khamiista in uu casho soo dhoweyn ah u fidiyo asagoo safar ahaa macalin Cabdiraxmaan Maxamuud Guhaad “Shiino” oo ay wehliyaan asxaab kale oo reer London ah, oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Axmed iyo Maxamed Khaliif.

Waxaa maalintii Jimcaha 07/07/2017 dib laysugu noqday wadahadalkii horumarinta iyo doorashada xubnaha maamulka sida ay soo jeedisay Gudoomiye Miski Cumar, si cid kastaa uga qayb qaadato maamulka iyo maaraynta ururka. In kastoo laysku dayey in Miski lagu qanciyo iney xilka sii hayso haddana waxay ku adkaysatay in wanaagu ku jiro in la sameeyo isbedel cusub. Wallow Soomaalida oo lagu bartay xukun jacayl iyo in uu qof walbaa isku sharxo in uu isagu xilka qabto.

Hadana gabdhaha kubbadda kolayga waxay ahaayeen gabdho diin iyo iimaan leh. Kuligoodna waa diideen in ay isku sharxaan qabashada maamulka xilka gudoomiyenimada. Waxaa laga fursan waayay oo lagu hishiiyay in warqad lagu qoro jagada Gudoomiye nimada oo si baqtiyaa nasiib ah waraaqo badan oo kale meel lagula rido, cidii la baxdaana ay noqoto Gudoomiye.

Waxaana nasiib u yeelatay Xaawo Kiin. Intaa kadib waxaa laysku af-gartay in laga wada hadlo sidii loo dhisi lahaa maamulka intiisa kale. Waxaana laysku raacay guddiga cusub in uu noqdo sida tan:

Xaawo Kiin Axmed Cabdulle (Jarmal) Gudoomiye
Miski Cumar Xobor (UK) Gudoomiye Xigeen
Astur Jaamac Cilmi (Sweden) Khasnad Haye (Treasurer) Nuuna Cumar (UK) K/Xigeen Khasnad haye:
Canab Cadullahi (Holland) Xog-Hayn:
Shukri Maxamed Nuur Dhalbaas (UK) Af-Hayeen Xubin:
Xaawo Muuse Cabdulle-Xaawo Dheer-(Norway). Xubin

Maadaama doorashadii ay dhamaatay ayay codsadeen subixii maalintii sabtida in garoon loo raadiyo si ay u jimicsadaan, waxaa lagu balamay garoon kubadda kolayga ah oo ku yiilay Woqooyiga Galbeed ee London (NW London). Kaas oo uu u soo diyaariyay macalin Xassan faarax (John) si hablahan xirfadoodii ahayd kubadda kolayga ay isu tijaabiyaan in ay weli kubadda tuur tuuri karaan una soo xusuustaan waayihii berisamaadka. Inkastoo ay albaabada hoosta ka soo xirteen una diideen in ay cidi daawato balse daal iyo farxad ayaa ka muuqatay markay cayaarta ka soo baxeen. Waxaa cayaartu socotay 11:00 aroornimo ilaa 13:00 waxaana lagu soo bandhigay sida naloo sheegay farsamo aad u saraysa iyo xamaasad ciyaareed. Kulankan oo u furnaa dumarka keliya, waxaa naloo sheegay in ciyaartii ku dhamaatay barbaro (draw, tie). Waxaa hubaal ah in ay wax badan ka sheekayn doonaan. Safarka joogitaanka hablaha intoodii socdaalka ku timid oo gaabnaa owgeed ayaa casho sharaf iyo sagootin isku jirtay u fidiyeen wiilashii hore ee Kubadda Kolayga oo uu deegaankoodu hada yahay London. Goobta cashada ayaa waxay ahayd Rayaan Resturant, 610 High Road, London N17 9TA, aadna ugu dhow garoonka kooxda Tottenham Hotspur ee woqooyiga London. Kulankan oo aad looga soo qayb galay, waxaa ugu horeyn ereyo waano iyo is xusuusin ah ku soo dhoweeyey Sheikh Cabdulqaadir Garwayne, kadibna waxaa ereyo kooban yiri Macalin Xasan Faarax. Intaas kadib waxaa warbixintii soo jeedisey Miski Cumar iyo dhamaan gabdhihii oo fekrado, taageero iyo waano soo wada jeediyey.

Dhamaadkii shirka waxaa Gudoomiyaha Cusub Xaawo Kiin ka warantay waxay ku soo aragtay safarkey Soomaaliya ay ku tagday, iyo waxa qurba joogta la gudboon. Geba-gebadii waxaa soo gunaanaday Maxamed Sheikh Cabdi (WELI) oo mar kale soo dhoweeyey dhamaan marti sharaftii, una rajeeyey safar salaama iyo nabad qab. Waxaa dhamaan loo mahad celiyey maamulka Rayaan Resturant gaar ahaan milkiilaha Maxmed Ciise, oo muujiyay soo dhoweyn qiimo leh, addeeg wanaagsan iyo cunno macaan iyo cabitaan aan kala go’lahayn. Waxaa kaloo xusid mudan, in uu nasiib u yeeshay asagoo safar ku yimid London, inuu ka soo qayb galo casho sharaftan laacibkii hore ee wiilasha kooxda Batroolka iyo qaranka soomaaliyeed ee kubadda kolayga Bashiir Yuusuf (Bashiir Fox). yadoo aan lagu kala maqnaan xaflada soo dhawaynta iyo sagootinta gabdhihii hore ee kubadda kolayga intoodii wadamada fog ka yimid, ayaa habeenkaas aan ka xusi karnaa dadkii goobta xaadirka ku ahaa: Abuukar Dheere, Axmed Bile, Axmed Yaasiin,Bashiir Fox, Bashiir Gurey, Bashiir Macalin, C/qaadir Garwayne, Cabdiraxmaan, Cabdiweli Sabriye, Cabdi xakiin, Cabdullahi Abshir, Cabdullahi Xaaji Cilmi EREG, Cali Salaad,Eng. Baana,Liibaan Yuusuf,Macalin John, Mahad Bilig, Maxmed Sheikh Weli iyo macalin Siciid Geesey.


 


Previous Article Kulan Kubadda kolayga oo dhex maray dhalinyarada ku dhaqan dalka U.K.
Next Article XAFLADII XIRITAANKA KOOBKA JENARAL DA’UUD EE LONDON - UK
Print
10853 Rate this article:
3.5
H Farah

H FarahH Farah

Other posts by H Farah
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top