Search
× Search
Tuesday, March 19, 2024

Article

 

TAARIIKHDA MACALINKII NAADIGA BATROOLKA (MACALIN CUMAR)
Kubadda Webmaster

TAARIIKHDA MACALINKII NAADIGA BATROOLKA (MACALIN CUMAR)

Macalin Cumar tababare rug cadaa ah kana mid ah xidigihii kubadda cagta dalkeena soomaray 50 meeyadii.

Macalin Cumar Abuukar Maxamed wuxuu dhashay sanadii 1926 wuxuuna ku dhashay degmada xamarweyna ee casimadda magaalada muqdisho yaraantiisa waxuu jeclaa cayaaraha gaar ahaan kubadda cagta, markii ugu horeysay ee uu garoon galo waxeey aheyd 1951 wuxuuna u cayaaray degmada xamar weyne qeybta seri B.

Sanadii 1953 waxa uu ku biiray naadiyadii dalka ka jiray xiligas kuwoodii ugu caansanaa oo ahaa naadigii la oranjiray Booliska xiligaas oo naadigaas tababare u ahaa nin u dhashay dalka Talyaniga oo la oran jiray Capocioni.

Macalin Cumar kooxdii Booliska wax weyn ayuu ku soo kordhiyay intii uu u cayaarayay wuxuunau horseeday in uu kula guuleesto koobab fara badan. Intaas kadib maclin Cumar wuxuu noqday ciyaaryahan si aad ah uga dhex muuqdo waxaana sanadii 1961-gii loo magacabay xulkii qaranka balse nasiibka uma suura galinin in uu u cayaaro qarankaas loo magacaabay dhaawac soo gaaray aawgiis.

Xulka xiligaas waxeey la cayaarayeen dalka shiinaha muddo gaaban kadib macalinka oo ka soo kabtay dhaawacii ayaa fursad u helay in uu qaranka kala qeyb qaato safar ey ku tageen dalka suudaan waxa uuna nasiib u yeeshay in uu la wadaago guul ey 3-0 kaga badiyeen dalka Suudaan macalin Cumar waxa uu si rasmi ah cayaaraha kaga fariistay sanadii 1966.

Kadibna waxuu go'aan saday in uu macalin u noqo dhalin yaro da yar. Dhalinyaradii uu xiligaas macalinka soo bar baarinayay ayaan waxaan ka xusu karnaa Xasan Geelle (Suufi), Cabdalla Guudle, Ibraahim Iftin, Nuur Abuukar Maxamed, Saalax Dhiigga, Cabdalla Cumar (Cabdalla Quuq).

Intaas kadib macalin Cumar wuxuu tababare u noqday sanadii 1970-kii degmada Wardhiigleey sanadkii xigayee 1971 wuxuu tababare u noqday degmada Xamar weyne 1972 wuxuu tababare u noqday degmada Waabari 1973 wuxuu tabare u noqday degmada Wadajir.

Isla sanadkaas ayuu macalin Cumar tababare u noqday nadigii wakaaladda Batroolka umadda, intuu naadigii Batroolka la joogay waxuu kula guuleystay koobab farabadan sida 1985 koobkii Janaraal Daa'uud, waxeyna cayaaro ka tirsan koobka koobabka Bariga ito Bartamaha Africa la yeesheen kooxda Titalwa ee dalka Burundi sidoo kale koxda Batroolka waxey sanadii 1987 dalka Soomaaliya u mataleysay koobkii Bariga iyo Baratamaha Africa wxaana macalin u ahaa macalin Cumar.

1982 waxaa loo magacabay macalinnimo reer Qaran, xiligii bari samaadka macalinka cayartoydii uu soo saaray waxaa ka mid ahaa xarfaantii ku can baxday kubadda cagta sida Muqtaar Cutti, Cabdalla Quuq, Cismaaciil Malaaq, Abuukar Sinigaal, Deysane iyo Falkaawe oo uu asaga dhalay. Bur burkii kadib macalinka kama caajisin caawinaada cayaaryahanada Soomaaliyeed ee soo korayso wuxuuna macalin u noqday oo uu soo saaray dhalin yaro da'yar.

Burburkii kadib kooxihii uu soo ley liyay waxaa ka mid ahaa 1994 wuxuu leyliyay Xulka Degmada Dharkenley oo sanadkaas noqotay Horiyaalkii degmooyinka Gobalka Banaadir.

1997 waxa uu ley liyay koox la yiraahdo Asal.

1998 waxa uu ley liyay koox la dhaho Bisha Cas.

2001 waxa uu ley liyay koox da yar oo Mashruuc ah waxa eyna matalayeen xulka Degmada Dharkenley, ayaga oo ku guuleestay koobkii Mashruuca.

Macalinka burburka kadib cayaartoyda uu soo saaray waxaa ka mid ah kabtanka xulka qaranka soomaaliyeed C/qaadir Cumar Ibraahim (Gaduudoow), oo ilaa hada u ah kabtan xulka Qaranka iyo Awees Cali Wiinkeey iyo cayartooy fara badan oo hadda qaarkood ka tirsan xulka Qaranka.

Macalin cumar waa nin kaftan badan jecelna horumarka Isboortiga, weli kama uuna caajisin halgankii, hadda waxa uu tababar siiyaa cayartooy da'yar, waxuuna ku nool yahay degmada Madiina waa xaasle dhalay 14 caruurah, waxuuna jeclaan lahaay in asxaabtiisii hore ee waqtigu kala waday, intii danaynaysa in ay kala soo xariiri karaan Teleephone-ka ah +2525221062. ama contact-iga website-ka kubadda.com.

Mahad Axmed Tagoow
Kubadda.com - Xafiiska Muqdisho
Email: mahad@kubadda.com
Tel 002521-5589345


Previous Article WARAYSIGA XIDDIGAHA
Next Article TAARIIKHDA MACALIN TARABI
Print
7838 Rate this article:
4.0
Kubadda Webmaster

Kubadda WebmasterKubadda Webmaster

Other posts by Kubadda Webmaster
Contact author

Name:
Email:
Subject:
Message:
x
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top