Search
× Search
Friday, March 29, 2024

Youth Development

 

11 August 2013
Cumar  A/dir  BAARAJAB iyo Siciid Faarax Ducaale oo la ciiday bahda K. Kolayga London

Cumar A/dir BAARAJAB iyo Siciid Faarax Ducaale oo la ciiday bahda K. Kolayga London

Waxaa habeenkii Sabti- Axadaad ee 10 ka August 2013, lagu qabtay Waqooyiga London maqaayada lagu magacaabo Walaalaha ama (Brothers Restaurant), ee ku taal 552 Tottenham High Road, N17 9SY. Xaflad si heer sare ah ay u soo qabanqaabiyeen bahda Kubadda Kolayga reer London iyaga oo ku soo dhoweynaya Cumar M. Cabdulqaadir BAARAJAB oo ka tirsan Guddiga fulinta GOS, isla markaana ah Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Siciid Faarax Ducaale oo ah Xog-hayaha Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed.

06 August 2013
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.

04 August 2013
Macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga oo booqasho ku yimid London

Macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga oo booqasho ku yimid London

Waxaa galabtii Sabti-da bisha August ahayd Seddexda, ku kulmay Bridge Park Community Leisure Centre oo ku taal galbeedka magaaladda London qaar ka mid ah bahdii hore ee kubadda kolayga oo uu soo booqday macalinka Xulka Qaranka Kubadda Kolayga Cumar C/qaadir Baarajab.

29 July 2013
Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Waxaa magaalada London gaar ahaan koofur galbeed xaafada lagu magacaabo Streatham lagu qabtay koob kubadda cagta ah oo aanan noociisa horay eysan u soo qaban qaabin Soomaalida qurbo joogta ah ee ku sugan magaalada London.

29 July 2013
Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Waaxda farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegtay in xiriirku aad ugu rajo weynyahay in is badal weyn uu ku imaan doono cayaartoyda Soomaaliyeed gaar ahaana dhinacyada xirfada, farsamada iyo qaab ciyaareedkooda, hadii horyaalka dalka lagu cayaaro garoon heer caalami ah, isla markaana xulka qaranka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku tababar qaataan garoon ku qalabeysan cowska casriga ah, taasoo la filayo in ay dhacdo bisha September ee sanadkan.

29 July 2013
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun.

Waxaa xalay magaalada Mogadishu ku geeriyootay Hooyo Faadumo Jaamac Jimcaale (Faadumo Shanle) oo ahayd Hooyadii dhashay laacibkii kooxda kubadda cagta iyo kolayga naadigii Jeenyo ama LL PP C/Laahi Cilmi Ereg (Xaaji). AUN maamada ayaa baeryahaan danbe xanuun yar yar hayay.

27 July 2013
Mo Farah wins 3,000 metres at the Anniversary Games after brilliant final lap

Mo Farah wins 3,000 metres at the Anniversary Games after brilliant final lap

Mo Farah and Saturdays at London’s Olympic Stadium were evidently made for each other.

26 July 2013
Sayid Cali Cabdulle Barre oo London ku geeriyooday

Sayid Cali Cabdulle Barre oo London ku geeriyooday

Waxaa ku geeriyooday magaaladan London maantana oo Jimca ah 26/07/2013 lagu aasay London Eebbe naxariistii janno ha siiyee, "SAYID CALI CABDULLE BARRE "QALAAYE". Allaha u naxariisto. Sayid Cali oo xilal badan ka soo qabtay dalka Soomaaliyeed ayna ka mid ahaayeen Agaasimaha Guud ee wasaaraddaha warafaafinta iyo Isboortiga wuxuuna ahaa shakhsi aad u degan aqoon iyo xirfad dheer u lahaa maamulka. Eebe ha ka waraabiyo Janada Firdowsa, ehelkiisa iyo Saaxiibadiisana samir iyo iimaan Alle ha siiyo. Aamiin.

09 July 2013
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun (3)

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun (3)

Waxaa xalay degmada Boondheere ee Gobalka Banaadir ku geeriyootay Hooyo Culumo Xuseen oo ahayd Hooyadii dhashay Allaha u naxariistee laacibkii kooxda Wagad ama (FIAT) Jimcaale Maxamed Xaayow (Gaashaan-yare) AUN.

05 July 2013
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK

Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha cusub ee XSKK C/laahi Nuur Maxamed (Cadaani) dhawaan ayaa uu ku cadeeyay in Axmed Muuse Xuseyn loo doortay lataliyaha gudoomiyaha XSKK iyo maamulka dhamaan xulalka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliyeed.

RSS
123456789
Terms Of UsePrivacy StatementCopyright 2024 by Kubadda Somali Sport Portal
Back To Top