Articles

CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

Written by Kubadda at 3:53 PM on Sunday, February 17, 2013

CASHO SHARAF LOO SAMEEYAY WIILAL & GABDHO KOOXDA HEEGAN OO KU GUULAYSATAY KUBADDA GACANTA 2013

Maamulka naadiga Heegan ayaa Maqaayadda weyn ee LIDO SEA FOOD  Casho Sharaf lagu maamuusayo guulaha ay ciyaarta Kubadda Gacanta ka soo hoyeen wiilasha iyo gabdhaha  kooxda Heegan ku qabtay, iyadoo ay ka soo qeybgaleen mas`uuliyiinta GOS , Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska , Ciyaartoy iyo Marti Sharaf kala duwan.

Ugu horeyn  waxaa halkaasi ka hadlay Xoghayaha guud ee  naadiga Heegan Mustaf C/Casiis Maxamed oo ka dhawaajiyay in guulaha kooxda heegan aysan ku imaan si fudud wuxuuna tilmaamay  isku xirnaanta iyo kartida ay muujiyeen ciyaartoyda iyo maamulka sare oo kaashanaya Taliyaha Akadeemiyadda ay suragashay inay ku talaabsadaan guulo is xiga.

Guddoomiyaha Naadiga Heegan Cali Cabdi Maxamed [Cali Shiino] ayaa dhinaciisa aad ugu Mahadceliyay dhamaan ciyaartoyda kooxda Heegan iyo Taliyaha Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye Sareeye Guuto Axmed Dayib (Dhagacaleen) oo  ku garab joogay dhiirigelin hiil iyo hooba, wuxuuna xusay  inay ku faraxsan yahiin afartii sano ee ugu dambeeyay inay ku guuleysteen Horyaalka  K/Gacanta.

Taliyaha Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye Sareeye Guuto Axmed Dayib Axmed (Dhagacaleen) ayaa  ugu Hambalyeeyay maamulka, Ciyaartoyda iyo Taageerayaasha Naadiga Heegan guulaha ay ku talaabsadeen wuxuu kula dardaarmay ciyaartoyda inay sii labalaabaan awooddooda ciyaareed  isagoo tibaaxay  inay mar walba ka shaqeynayaan horumarinta ciyaaraha qeybahiisa kala duwan.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Gacanta Maxamed Xuurshe Xasan (Eenoow) ayaa  cabiray sida weyn ee ay ugu faraxsan yahiin sida habsamida  lahayd ee Horyaalkii 13aad ee wiilasha iyo kan 4aad ee gabdhaha ugu soo idlaatay, wuxuuna dhinaca kale muujiyay inuu ku faraxsan yahay in ciyaartoyda lagu dhiirigeliyo xaflad noocan oo kale ah, wuxuuna u Hambalyeeyay  Kooxda Wiilasha iyo Gabdhaha  Heegan.

Xoghayaha guud ee GOS Duraan Axmed Faarax  ayaa Hambalyo iyo Bogaadin u soo jeediyay Naadiga Heegan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in isboortigu yahay kan kaliya ee bulshada isku keena  sidaas awgeedna ay GOS ka go`an tahay  inay mar walba ka shaqeeyaan horumarinta isboortiga dalka.

Kusimaha Guddoomiyaha GOS  Axmed Cabdi Xasan {Wataac}  ayaa dhinaciisa u Hambalyeeyay Kooxda Kubadda Gacanta Heegan guulahii ay soo hoyeen  wuxuuna ku dhiirigeliyay inay mustaqbalka dhow ka soo baxaan ciyaaryahano badan oo xulka dalkooda matelaya.

Ugu  dambeyntii   Fanaanka weyn Farxaan Xiddig ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa dadkii daawaday  ciyaaraha Kubadda Gacanta wuxuuna sheegay inuu ahaa astaantii Nabadda  oo bulshada ay si weyn ugu soo daawasho tegi jireen Muqdisho iyo daafaceeda , wuxuuna ku soo gunaanaday  Hambalyo iyo guulo badan oo uu u rajeynayo naadiga Heegan.

Guud ahaan Xafladii Casho Sharafta ahayd ee loogu dabaaldagayay guulaha Kooxda Kubadda Gacanta Heegan ayaa waxay ku soo idlaatay jawi farxadeed.

Sawiro badan oo munaasabadda xafladda ah RIIX HALKAN

W/Q: Said Ibrahim Hussein (BUUNA)

 



Share:
email add to del.icio.us add to Digg add to Reddit add to Newsvine add to Stumbleupon add to Furl add to Google