Basketball News

Kulan Kubadda kolayga oo dhex maray dhalinyarada ku dhaqan dalka U.K.

 

Kulan kubadda kolayga ah oo aad u qiimo badnaa ayaa uu dhexmaray laba kooxood oo dhalin yaro da’doodu u dhaxaysay 16 ilaa iyo 19 sano jir, kuwaas oo ka kala socday magaalooyinka Leicester iyo London.  Kulankan ayaa waxaa soo abaabulay maamulka dhalinta cuslaatay ee kubadda kolayga deegaankoodu yahay London oo la kaashaday dhigooda ku dhaqan magaalada Leicester.


Read more >>>
Kulan Kubadda kolayga oo dhex maray dhalinyarada ku dhaqan dalka U.K.

Cumar A/dir BAARAJAB iyo Siciid Faarax Ducaale oo la ciiday bahda K. Kolayga London.

Waxaa habeenkii  Sabti- Axadaad ee 10 ka August 2013, lagu qabtay Waqooyiga London maqaayada lagu magacaabo Walaalaha ama (Brothers Restaurant), ee ku taal 552 Tottenham High Road, N17 9SY.   Xaflad si heer sare ah ay u soo qabanqaabiyeen bahda Kubadda Kolayga reer London iyaga oo ku soo dhoweynaya  Cumar M. Cabdulqaadir BAARAJAB oo ka tirsan Guddiga fulinta GOS, isla markaana ah Tababaraha Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Siciid Faarax Ducaale oo ah Xog-hayaha Xiriirka Kubadda Kolayga Soomaaliyeed.


Read more >>>
Cumar  A/dir  BAARAJAB iyo Siciid Faarax Ducaale oo la ciiday bahda K. Kolayga London.

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.
Read more >>>
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaa xalay magaalada Mogadishu ku geeriyootay Hooyo Faadumo Jaamac Jimcaale (Faadumo Shanle) oo ahayd Hooyadii dhashay laacibkii kooxda kubadda cagta iyo kolayga naadigii Jeenyo ama LL PP C/Laahi Cilmi Ereg (Xaaji). AUN maamada ayaa baeryahaan danbe xanuun yar yar hayay.      Waxaa geerida Hooyo  Culumo Xuseen ka naxay dhamaan Bahda Isboortiga, waxaana halkan tacsi uga diraya Dhamaan kooxdii Jeenyo, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirka Kubadda Cagta, xiriirka Kubadda Kolayga, xiriirrada kala duwan  iyo Bahda Isboortiga,


Read more >>>
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK

Wareegto uu soo saaray Gudoomiyaha cusub ee XSKK C/laahi Nuur Maxamed (Cadaani) dhawaan ayaa uu ku cadeeyay in Axmed Muuse Xuseyn loo doortay lataliyaha gudoomiyaha XSKK iyo maamulka dhamaan xulalka Qaranka kubadda koleyga Soomaaliyeed.   Gudoomiyaha ayaa sheegay  in ay  lagama maarmaan tahay si loo gaaro  horumar iyo talaabo hor leh in la helaa aqoon yahano leh xirfadda, aqoonta iyo  maamulka kubadda kolayga


Read more >>>
Gudoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga Mudane Cadaani oo u doortay Axmed Muuse Lataliyaha XSKK

Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Habeenkii Isniinta oo taariikhdu ahayd  10/06/2013 ayaa ay ku kulmeen xubnaha ku jira xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed kuwooda qurbo joogta ah, maqaayad ku taal galbeedka London oo la yiraahdo Blue Ocean. Kulankan ayaa uu soo abaabulay xoghayaha guud  ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (G.O.S.) mudane Duraan farah.
Read more >>>
Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Xaflad Hambalyo iyo taageero soo dhaweyn maamulka cusub ee XSKK London loogu qabtay

Waxaa habeenkii  Sabti- Axadaad ee 8da Juune  2013 lagu qabtay Waqooyiga London maqaayada lagu magacaabo Maandeeq Resturant, ee ku taal 391 Lordship Lane, N17 6AE Xaflad si heer sare ah ay u soo qabanqaabiyeen bahda Kubadda Kolayga reer London iyaga oo ugu hambalyaynaya Xubnaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolayga dhowaan la magacaabay.


Read more >>>
Xaflad Hambalyo iyo taageero soo dhaweyn maamulka cusub ee XSKK London loogu qabtay

Somali NOC presidential statement outlines NOC’s roles in nationwide sport

In a bid to give the Somali people a full understanding of the roles and regulations of Somali National Olympic committee in terms of sports development and rehabilitation of the country’s destroyed facilities, the president of Somali Olympic committee Abdullehi Ahmed Tarabi, has on Monday issued a press statement which carries articles within the Constitution and Olympic charter declaring the regulations of NOC and the roles of our Ministry of Sports.

The Somali National Olympic committee presidential statement issued here in Mogadishu is as shown bellow.


Read more >>>
Somali NOC presidential statement outlines NOC’s roles in nationwide sport

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku geeriyooday shaksi qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana bahweynta Isboortiga Ibraahim Cilmi Bulaale oo loo yiqiin Ibraahim XISBIYO. Ibraahim Xisbiyo wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kuna lahaa qiimo weyn kana soo qayb qaatay adeega difaaca dalkiisa oo ah hawl sharaf badan. Markii laysku daray kooxihii Boliiska iyo Xooga oo la abuuray naadiga Horseed ayaa gudoomiye waxaa u noqday Ibraahim Xisbiyo intii u dhexeysey 1972 -1980.

 


Read more >>>
Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Deeqa Maxmed Siyaad oo la kulanta Bahda K.Kolaya London

Bahda Kubadda Kolayga London waxay habeenkii Sabti-Axad ee todobaadkan ku soo dhoweeyeen magaaladan London Deeqa Maxamed Siyaad oo booqasho gaaban ku timi London. Deeqa Maxamed oo ka mid ahaa ciyaartoydii Dugsiga Shibis, Xaafadda Shibis iyo Kooxda Kubadda Kolayga ee Naadiga Wakaaladda Ganacsiga Ummadda oo loo yiqiin (ENC).
Read more >>>
Deeqa Maxmed Siyaad oo la kulanta Bahda K.Kolaya London