Football News

Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow

Odayaasha iyo dhalinyarada deegaamada koofur galbeed ee LONDON iyagoo isku duuban waxay casho sharaf kulmisa soo dhaweyn iyo ambabixin u sameeyeen cayaartooygii degmada Boondheere, Gobolka Banaadir, Naadiga MUQDISHO iyo xulkii QARANKA ee casrigii dahabka kabtan CUMAR CALASOW RAAGE oo aan dhihi karo inuu ka mid ahaa 10kii cayaartooy ee ugu fiicnaa ciyaartoydii kubadda cagta dalkkeena soo maray. Xafladaas oo uu soo abaabulay cayaartooygii qaaliga ahaa AABALIISHA
Read more >>>
Bah weynta Isportiga south London oo soo dhaweyey Kabtan Cumar Calasoow

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhamaan bahwaynta isboortiga Soomaaliyeed, Maamulka iyo xubnaha Gudiga Olambikada Soomaaliyeed, dhamaan xiriirrada kala duwan ee isboortiga Soomaaliyeed, Qaasatan Gudiga iyo xubnaha Xiriirka kubadda Kolayga iyo cayaaryahanada wiilal iyo gabdho ee kubadda kolayga. Waxay ayagoo aad uga xun codkana kor u qaadayo tacsi kal iyo laab ah u dirayaan Xoghayaha xiriirka kubadda kolayga mudane Saciid Faarax Ducaale oo wiil uu Abti u yahay ku geeriyooday magaalada Muqdisho dhawaan. Wiilka Geeriyooday oo lagu magacaabayay Raage Maxamed Muumin ayaa ahaa wiil ay dhashay walaashiis Drs Caasho Kiin Faarax Ducaale.
Read more >>>
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Waxaa magaalada London gaar ahaan koofur galbeed xaafada lagu magacaabo Streatham lagu qabtay koob kubadda cagta ah oo aanan noociisa horay eysan u soo qaban qaabin Soomaalida qurbo joogta ah ee ku sugan magaalada London.  Maadaama lagu jiro bishii barakaysnayd ee Ramadaan ayaa waxaa ay maamulka kooxda Streatham United f.c. garteen in loo dhigo koob looga faa’iidaysanayo in lagu wacyi geliyo dhalinyaradda da’da yar ee ku dhaqan xaafadda.


Read more >>>
Kooxda Beder team oo ku guulaysatay Koobkii Beder Cup ee lagu qabtay London

Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Waxaa xalay magaalada Mogadishu ku geeriyootay Hooyo Faadumo Jaamac Jimcaale (Faadumo Shanle) oo ahayd Hooyadii dhashay laacibkii kooxda kubadda cagta iyo kolayga naadigii Jeenyo ama LL PP C/Laahi Cilmi Ereg (Xaaji). AUN maamada ayaa baeryahaan danbe xanuun yar yar hayay.      Waxaa geerida Hooyo  Culumo Xuseen ka naxay dhamaan Bahda Isboortiga, waxaana halkan tacsi uga diraya Dhamaan kooxdii Jeenyo, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed, xiriirka Kubadda Cagta, xiriirka Kubadda Kolayga, xiriirrada kala duwan  iyo Bahda Isboortiga,


Read more >>>
Inaa lillaahi wa inaa ilayhi raajicuun

Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Waaxda farsamada ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayaa sheegtay in xiriirku aad ugu rajo weynyahay in is badal weyn uu ku imaan doono cayaartoyda Soomaaliyeed gaar ahaana dhinacyada xirfada, farsamada iyo qaab ciyaareedkooda, hadii horyaalka dalka lagu cayaaro garoon heer caalami ah, isla markaana xulka qaranka Soomaaliyeed ay helaan fursad ay ku tababar qaataan garoon ku qalabeysan cowska casriga ah, taasoo la filayo in ay dhacdo bisha September ee sanadkan.
Read more >>>
Dhismihii garoonka kubadda cagta Banaadir stadium oo dhawaan gabo gabo ku dhow

Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Habeenkii Isniinta oo taariikhdu ahayd  10/06/2013 ayaa ay ku kulmeen xubnaha ku jira xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed kuwooda qurbo joogta ah, maqaayad ku taal galbeedka London oo la yiraahdo Blue Ocean. Kulankan ayaa uu soo abaabulay xoghayaha guud  ee Gudiga Olombikada Soomaaliyeed (G.O.S.) mudane Duraan farah.
Read more >>>
Kulan ay iskugu yimaadeen dhamaan xubnaha ku jira Xiriirada Isboortiga Soomaaliyeed oo ka dhacay London

Somali NOC presidential statement outlines NOC’s roles in nationwide sport

In a bid to give the Somali people a full understanding of the roles and regulations of Somali National Olympic committee in terms of sports development and rehabilitation of the country’s destroyed facilities, the president of Somali Olympic committee Abdullehi Ahmed Tarabi, has on Monday issued a press statement which carries articles within the Constitution and Olympic charter declaring the regulations of NOC and the roles of our Ministry of Sports.

The Somali National Olympic committee presidential statement issued here in Mogadishu is as shown bellow.


Read more >>>
Somali NOC presidential statement outlines NOC’s roles in nationwide sport

Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

Waxaa magaalada Stockholm ee dalka Sweden ku geeriyooday shaksi qaali ku ahaa umadda Soomaaliyeed guud ahaan, gaar ahaana bahweynta Isboortiga Ibraahim Cilmi Bulaale oo loo yiqiin Ibraahim XISBIYO. Ibraahim Xisbiyo wuxuu ahaa sarkaal ka tirsanaa ciidanka Xooga dalka Soomaaliyeed kuna lahaa qiimo weyn kana soo qayb qaatay adeega difaaca dalkiisa oo ah hawl sharaf badan. Markii laysku daray kooxihii Boliiska iyo Xooga oo la abuuray naadiga Horseed ayaa gudoomiye waxaa u noqday Ibraahim Xisbiyo intii u dhexeysey 1972 -1980.

 


Read more >>>
Ilaah ha u naxariisto Ibraahim Cilmi Bulaale 'XISBIYO'

FIFA Training course for Somali football referees gets under way in Djibouti

FIFA MA training course for Somalia’s elite football referees has officially got underway in Djibouti on Sunday morning. The course is part of the joint FIFA/ SFF efforts intended to increase the knowledge and experience of referees in the war-torn country.  Somali Football Federation Education officer and course coordinator Ali Mohamed Ahmed who first addressed at the launching ceremony of the course explained that SFF had spent a great deal of time and efforts in the process of preparing fit and young age referees for the course.


Read more >>>
FIFA Training course for Somali football referees gets under way in Djibouti

Nigeria oo ku faraxalatay Burkina Faso cayaartii Finalka Koobka qaramada Afrika 2013

Goolka keliyah ee uu u dhaliyay ciyaaryahanka Sunday Mba, ayaa ku filaaday iney Nigeria ku guuleysato koobkii Qaarada Africa 2013, Burkina Faso sedkeedu wuxuu noqday kaalinta labaad oo ah tan ugu xanuunka badan markaad soo dhowaatid balse aad gaari weydid abaalmarintii ugu weynayd. Burkina Faso waxay ku dhowaatay iney barbaro ama bareejo la noqoto Wilfried Sanou ayaa ku khasbay goolhayaha Nigeria Vincent Enyeama inuu badbaadiyo goolkiisa. Ciyaarta oo ay garoonka joogeen sideetan iyo shan kun oo qof waxaa dhexdexaadinayey Jamiil Heimoudi.
Read more >>>
Nigeria oo ku faraxalatay Burkina Faso cayaartii Finalka Koobka qaramada Afrika 2013